Monday, December 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

In kabadan 30 qof oo ku geeriyootay dab ka kacay magaalo ku taala Ruushka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
In kabadan 30 qof oo ku geeriyootay dab ka kacay magaalo ku taala Ruushka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025
Sida laga soo xigtay Warbaahinta Dalka Ruushka Ugu yaraan 37 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen dad xoogan oo ka kacay xarun ganacsi oo kutaala  magaalda Kemerovo ee Siberia oo u dhow magaalada Moscow ee Caasimadda Dalka Ruushka,iyadoo dadka ku dhintay la sheegay in caruur ay ku jiraan..

Wararka ayaa sheegaya in Dabka uu ka bilowday dabaqa afaraad ee dhismaha lagu magacaabo Winter Cherry complex,waxaana dadka ku waxyeelloobay dabkaan la sheegayaa in xiligaasi ay ku guda jireen daawashada Shineemooyin halkaasi kuyaala.

Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayaya in qiiq xoogan iyo Holac uu ka baxayay goobta dabkaasi uu ka kacay,iyadoo dadka qaabilsan dab damiska ay isku dayayeen in ay badbaadiyaan dadka iyo hantida.

Vladimir Chernov  oo ah Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Kemerovo ayaa sheegay in 13 maydad ah laga helay mid kamid ah qololka shaneemada, Ilaa iyo hadda lama oga waxuu dabku ka dhashay balse masuuliyiinta ayaa wada baaritaan.

Sida ay sheegayaan warar hordhac ah, saqafka saree ee dhismaha ayaa kusoo dumay labo kamid ah shaneemooyinka,wakaaladda wararka ee Inter-Tass ee Dalka Ruushka ayaaa sheegaysaa in hawl-wadeenada gargaarka degdega ah ay ku guuleysteen in ku dhawaad 100 qof ay ka daad gureeyaan dhismaha, waxayna ay badbaadiyeen 20 kale.

Dhismaha dabkaasi ka kacay ayaa kuyaala deegaan lagu magacaabo Kemerovo,kaasi oo ah deegaanka ugu weyn ee laga soo saaro dhuxusha,wuxuuna magaalada Moscow ee caasimadda Dalka Ruushka ka xigaa qayaas ahaantii 3,600km (2,200 miles) ee dhinacaBari.

Dhismaha oo la furay sanadkii 2013 ayaa ka koobnaa makhaayado, meelo shaneemooyinka lagu daawado iyo sidoo kale meelo ay caruurtu ku ciyaaraan.

Previous Post

​​ Agaasimaha guud ee HSJ G/Sare Koofi oo kulan la qatay ​ Dublamaasiyiinta safaaradda dalka Imaaradka

Next Post

Madaxweyneyaash Soomaaliya iyo Kenya oo isku afgartay hakinta dhismaha darbiga laga dhisayo xadka labada dal

Next Post
Madaxweyneyaash Soomaaliya iyo Kenya oo isku afgartay hakinta dhismaha darbiga laga dhisayo xadka labada dal

Madaxweyneyaash Soomaaliya iyo Kenya oo isku afgartay hakinta dhismaha darbiga laga dhisayo xadka labada dal

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir 5 maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helida...

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD):-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Cabdi Cusmaan Cabdullaahi iyo Gallad Axmed Xuseen, sidoo...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay kulanka xiritaanka ee Madasha Caalamiga...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa si rasmi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In