Wasiirka Beeraha iyo waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Siciid Xuseen Ciid ayaa Xafiiskiisa ku qaabbilay wakiilka hayโadda Cuntada Adduunka WFP , Laurenta Bukera, iyagoo ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa Dalagyada kasoo goโa Dalkeenna.
Kulnkan ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray sidii loo dhiirri gelin lahaa Beeralayda Soomaaliyeed iyadoo laga iibinayo Dalagyada ay tacbadaan,meel marinta Barnaamijka howl galka 2019 iyo 2021-ka ee Beeraha Soomaaliya, soo nooleynta Kaabayaasha Beeraha iyo sidii ay wasaaradda Gacan ugu siin lahayd Hayโadda WFP.
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Siciid Xuseen Ciid , ayaa aad usoo dhaweeyay qorshaha hayโadda Cunnada Adduunka ee WFP ay ku doonayso inay ku caawiso Beeralayda Soomaaliyeed iyo dhiirri-gelintooda.
Wakiilka hayโadda Cunnada Adduunka ee Soomaaliya, Laurenta Bukera ayaa bogaadiyaytallaabooyinka dhaxal galka ah ee ay qaadeen Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna intaa raaciyay inay ka goโan tahay dar-dar gelinta barnaamijyada lagu dhiirri-gelinayo Beeralayda iyo ka Gacan siinta Wasaaradda Beeraha Soomaaliya.
Barnaamijyadan taakulaynta iyo dhiirri-gelinta Beeralayda Soomaaliya ee ay si wada jir ah u wadaan Wasaaradda Beeraha iyo hayโadda WFP ayaa waxay door lixaad leh ka qaadan doonaan in ay Suuq yeeshaan Dalagyada la Beero ku dhiirrashada tacbashada Miraha kasoo goโa Dalkeenna.