Wednesday, August 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay arrinta xuduudda labada dal “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 28, 2018
in Wararka
0
Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay arrinta xuduudda labada dal “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad iyo dhiggiisa Kenya Monica Juma ayaa ka wada hadlay xiriirka is-kaashi ee ladaba dal iyo xaaladda xuduudda labada waddan ee Mandheere iyo Beled Xaawo.

Kullanka labada Wasiir waxaa ku wehlinayay sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ahna qunsulka guud ee Safaaradda mudane Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi) iyo diblomaasiyiin ka tirsan labada dal.

Related posts

Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

August 13, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

August 13, 2025

Wasiirrada ayaa isla gartay fulinta go’aanka Madaxweynayaasha labada dal ee ah in xaaladda Beled Xaawo iyo Mandheere loo maro guddi farsamo oo ka kooban Maamullada Gobollada Gedo iyo Mandheera, kuwaas oo kulamo ku yeelan doona labada magaalo si ay isula meel dhigaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale, Labada Wasiir ayaa isku raacay in shirka xiga ee Guddiga wada-jirka ah ee labada dal lagu qabto Degmada Mandheera sida ugu dhaqsiyaha badan, halkaas oo looga hadli doono xallinta arrinta xuduudda iyo iskaashiga labada dal.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in ay tababarro caafimaad, maamul iyo macallimiin ay siin doonaan Soomaaliya, taas oo la billaabi doono bisha September ee sanadkan.

Cumar Caaqil

Previous Post

Xaflad lagu soo dhaweynayay isku darka labada Baarlamaanka oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Next Post

Bulshada Gobolka Gedo oo taageeray heshiiskii lagu joojiyey dhismaha darbiga xadka Soomaaliya iyo Kenya

Next Post
Bulshada Gobolka Gedo oo taageeray heshiiskii lagu joojiyey dhismaha darbiga xadka Soomaaliya iyo Kenya

Bulshada Gobolka Gedo oo taageeray heshiiskii lagu joojiyey dhismaha darbiga xadka Soomaaliya iyo Kenya

Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

August 13, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kuwait, ayaa maanta...

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

August 13, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Sare...

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

August 13, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Gedo,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

August 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta isaka diiwaan-geliyey goobta diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ee Degmada Warta-Nabadda ayaa ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In