Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maleeshiyada Al-Shabaab oo Khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay weerar ka dhacay Gobolka Sh/Hoose

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Maleeshiyada Al-Shabaab oo Khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay weerar ka dhacay Gobolka Sh/Hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Taliyaha Ururka 26-aad Guutada Saddexaad ee Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle sare Xasan Jaamici oo la hadlay Radio Muqdisgo codka Ciidamada Qalabka sida, ayaa ka warbixiyay dagaal Maleeshiyada ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose.

Goobaha ay Maleeshiyada Al-Shabaab weerareen waxaa ka mid ah deegaanada Buula-mareer,Golweyn Qoryooley iyo Xero Ciidamada AMISOM degan yihiin oo ku taalo Gobolkaasi.

Gaashaanle sare Xasan Jaamici ayaa sheegay in Al-Shabaab labo ka mid ah Xeryaha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Xoogga dalka ay ku sugan yihiin ku soo qaadeen weerar Qaraxyo ah ka dibna laga hortagay.

“ Labo meelood oo ka mid ah meelaha hadda aan kuu sheegay sida deegaanada Buula-mareer Xeryaha ku yaala ee AMISOM iyo SNA ku sugan yihiin ayaa waxay ku soo qaadeen Qaraxyo iyo Arbushaad weerar isugu jira,markii ay Qaraxyada dhaceen weeraradana wey ku xigeen,afaafka hore ee Difaacyada ayay Ciidamada Xoogga dalka iyo AMISOM ku sugaanyeen markii weerarka la soo qaadayay,” Ayuu yiri Gaashaanle sare Xasan Jaamici.

Sidoo kale,Taliyaha Taliyaha Ururka 26-aad Guutada Saddexaad ee Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle sare Xasan Jaamici oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi raaciyay in Qaraxyada Shabaab ay soo qaadeen ay ka koobaanyeen labo gaari oo walxaha Qarxa laga soo buuxiyay,waxayna ciidamada uga hortageen meel xoogaa u jirta Xeryaha Ciidamada laguna qarxiyay,sidoo kalena lagu baabi’iyay Maleeshiyadii la socotay.

Weerarada Al-Shabaab ku qaadeen deegaanada Buula-mareer Golweyn iyo Qoryooley ma jiraan wax khasaaro ah oo ka soo gaaray Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM,marka laga reebo Maleeshiyada Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday oo meydadkooda lagu arkay geedaha hoostooda oo Ciidamada Qalabka sida ay goobta ugu tageen,sida uu xaqiijiyay Taliye Xasan Jaamici.

Deegaanka Buula-mareer oo ka tirsan degmada Kurtunwarey ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa guud ahaan waxaa gacanta ku haya Ciidamada Xoogga dalka,kuwaasi oo habeen iyo maalin u soo jeeda sidii Shacabka Cadow Al-Shabaab uga difaaci lahaayeen.

Previous Post

Dhageyso: Saldhigyo Maleeshiyad Al-shabaab ku lahaayeen Ceelbuur oo la duqeeyey

Next Post

Ambassador Madeira” Ciidamadeenu kama daalayaan iney ka taqalusaan Maleeshiyada Al-shabaab

Next Post
Ambassador Madeira” Ciidamadeenu kama daalayaan iney ka taqalusaan Maleeshiyada Al-shabaab

Ambassador Madeira” Ciidamadeenu kama daalayaan iney ka taqalusaan Maleeshiyada Al-shabaab

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In