Ugu yaraan 11 xubnood oo ka tirsanaa Saraakiil iyo horjoogayaal ka tirsanaa nabad diidka Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerar xagga Cirka ah oo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka geysteen qaybo ka mid ah Gobolka Gal-gaduud.
Guddoomiyahah Degmada Ceel-buur ee Gobolka Gal-gaduud Nuur Xasan Guutaale, oo u warramayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay duqymuhu ay ka kala dhaceen Saldhig ay ku shirayeen Saraakiil Al-Shabaab ah una tiillay jid gooyo ay ku waxyeellen jireen Shacabka.
Halka weerarka kalana lala beegsaday xilli ay Saraakiil iyo horjoogayaan ka tirsanaa nabad diidka ay ku safrayeen Gaari halka u dhexeysa degaannada Wabxo iyo Ceel-shiil, iyadoo halkaasi ay kaga dhinteen 11 xubnood.
Wuxuuna intaa raaciyay Guddoomiye Guutaale, inaysan duqaynta wax qasaara ah kasoo gaarin Shacabka halkaa ka dhawaa, haatanna ay baarayaan xubnaha la dily Magacyadooda iyo xilalka ay u kala hayeen nabad diidka Al-Shabaab.
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐จ๐จ ๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐๐๐ฑ๐๐๐ ๐๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ ๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ค๐
Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...












