Thursday, July 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Abaanduulaha Ciidanka XDS oo xaqiijiyay in dagaalkii Buula-mareer qasaaro xoogan loogu geystay Al-Shabaab

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Abaanduulaha Ciidanka XDS oo xaqiijiyay in dagaalkii Buula-mareer qasaaro xoogan loogu geystay Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliska  Ciidanka Xoogga Dalka ayaa  soo  bandhigay  meydadka maleeshiyaad ka tirsnaa Al-Shabaab  ku waasi oo lagu dilay dagaal ka dhacay deegaanka Buula-mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo  la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Ururka 26aad guutada 6ad ee qeybta 60aad ee ciidanka Xoogga dalka, oo kaashanaya ciidamada AMISOM ay guul weyn bay ka gaareen, dagaal shalay ka dhacay deegaanka Buula-mareer, waxaana  uu intaa ku daray in dhankooda uu weerarkaasi kaga dhaawacantahay saddex askari.

Related posts

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

July 23, 2026
Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

July 23, 2026

“Caddowga Ummadda Soomaaliyeed saddex baabuur ayay ku soo weerareen xarunta ciidanka oo qaraxyo saarnaa, hal iridda hore ayuu ku qarxay, labada kalena meel 100- talaabo u jirta xarunta ayaa lagu gubay, iyadoo saddex askari ay naga dhaawacantay, waana guul Alle aan uga mahadcelineyo” ayuu yiri Abaanduulaha.

Abaanduulaha ayaa sheegay in weerarka uu socday muddo saacad ah, isla markaaana jab xoogan loogu geystay Al-Shabaab, kuwaasi oo uu sheegay in laga dilay 66 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Taliska ciidanka Ururka 26aad  ayaa xaqiijiyay in dagaalka Al-Shabaab looga furtay hub gaarayay 30 qori, kuwaasi oo kala ah 12 Qori AK47 ah 20   qori PKM ah  iyo qori dhashiiko ah

Goobta lagu soo bandhigayay meydadka ayaa waxaa goob joog ahaa saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM.

FG: Waxaan ka cudur daaraneynaa inaan idin soo bandhigi karin sawirada Meydadka ah.

Previous Post

Kulan looga hadlayay xoojinta Amniga oo lagu qabtay xarunta Dowladda Hoose “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Isboortiga Soomaaliya oo caawa kulan soo dhaweyn ah u sameysay Orodyahan Cabdi Bile Cabdi “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Isboortiga Soomaaliya oo caawa kulan soo dhaweyn ah u sameysay Orodyahan Cabdi Bile Cabdi “SAWIRRO”

Wasiirka Isboortiga Soomaaliya oo caawa kulan soo dhaweyn ah u sameysay Orodyahan Cabdi Bile Cabdi "SAWIRRO"

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

July 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

July 23, 2026
0

Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya lagu soo gebagebeeyay shirkii ugu horreeyay ee heer gobol ee Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga...

Soomaaliya iyo Kuuriyada koofureed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Kuuriyada koofureed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

July 23, 2026
0

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Taliska Ciidanka XDS oo faahfaahin ka bixiyay howlgalkii ka dhacay deegaanka Teedaan

July 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa 21-kii bishan fuliyay howlgal duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In