Tuesday, July 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Abaanduulaha Ciidanka XDS oo xaqiijiyay in dagaalkii Buula-mareer qasaaro xoogan loogu geystay Al-Shabaab

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 2, 2018
in Wararka
0
Abaanduulaha Ciidanka XDS oo xaqiijiyay in dagaalkii Buula-mareer qasaaro xoogan loogu geystay Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliska  Ciidanka Xoogga Dalka ayaa  soo  bandhigay  meydadka maleeshiyaad ka tirsnaa Al-Shabaab  ku waasi oo lagu dilay dagaal ka dhacay deegaanka Buula-mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo  la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Ururka 26aad guutada 6ad ee qeybta 60aad ee ciidanka Xoogga dalka, oo kaashanaya ciidamada AMISOM ay guul weyn bay ka gaareen, dagaal shalay ka dhacay deegaanka Buula-mareer, waxaana  uu intaa ku daray in dhankooda uu weerarkaasi kaga dhaawacantahay saddex askari.

Related posts

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

June 30, 2025
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

June 30, 2025

“Caddowga Ummadda Soomaaliyeed saddex baabuur ayay ku soo weerareen xarunta ciidanka oo qaraxyo saarnaa, hal iridda hore ayuu ku qarxay, labada kalena meel 100- talaabo u jirta xarunta ayaa lagu gubay, iyadoo saddex askari ay naga dhaawacantay, waana guul Alle aan uga mahadcelineyo” ayuu yiri Abaanduulaha.

Abaanduulaha ayaa sheegay in weerarka uu socday muddo saacad ah, isla markaaana jab xoogan loogu geystay Al-Shabaab, kuwaasi oo uu sheegay in laga dilay 66 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Taliska ciidanka Ururka 26aad  ayaa xaqiijiyay in dagaalka Al-Shabaab looga furtay hub gaarayay 30 qori, kuwaasi oo kala ah 12 Qori AK47 ah 20   qori PKM ah  iyo qori dhashiiko ah

Goobta lagu soo bandhigayay meydadka ayaa waxaa goob joog ahaa saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM.

FG: Waxaan ka cudur daaraneynaa inaan idin soo bandhigi karin sawirada Meydadka ah.

Previous Post

Kulan looga hadlayay xoojinta Amniga oo lagu qabtay xarunta Dowladda Hoose “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Isboortiga Soomaaliya oo caawa kulan soo dhaweyn ah u sameysay Orodyahan Cabdi Bile Cabdi “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Isboortiga Soomaaliya oo caawa kulan soo dhaweyn ah u sameysay Orodyahan Cabdi Bile Cabdi “SAWIRRO”

Wasiirka Isboortiga Soomaaliya oo caawa kulan soo dhaweyn ah u sameysay Orodyahan Cabdi Bile Cabdi "SAWIRRO"

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

June 30, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay Meertada 7aad ee...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

June 30, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Guddiga...

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

June 30, 2025
0

Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka u magacaabey Mudane Wali...

Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir

Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir

June 30, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In