Saturday, July 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabadda 12 April ee aas-aaska Ciidanka xoogga dalka oo ka dhaceysa Muqdisho

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Munaasabadda 12 April ee aas-aaska Ciidanka xoogga dalka oo ka dhaceysa Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Saraakiil Boolis oo shahahaadada Master Degree ka qaatay Ruushka

Saraakiil Boolis oo shahahaadada Master Degree ka qaatay Ruushka

July 25, 2026
Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

July 24, 2026

Munaasabadda lagu xusayo 58-guuradii ka soo wareegatay aas aaska Ciidamada xoogga dalka ee 12 April ayaa maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah dalka.

Madaxda ugu sareysa dalka iyo Taliyeyaasha Ciidamada ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan munaasabaddan maalinta qiimaha badan ee 12-ka April oo sanad kasta xiligan oo kale ay u dabaal-dagaan Ciidanka Xoogga Dalka.

Ciidamada xoogga dalka ayaa la filayaa inay munaasabadda maanta ka dhaceysa Muqdisho ku soo bandhigaan dhoolatus ciidan iyo gaada ka ciyaar.

Madaxda Qaranka ayaa Hambalyo ku aadan Xuska 12ka April u diray Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxayna sanadkaan ay u dabaal degayaan sanad guuradii 58 aad.

12-ka April sanadkii 1960 ayey ahayd markii la aas aasay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ka soo wareegtay 58 sano.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa lagu Aasaasay ciidan ka kooban 8 horrimood, waxaa lagu magcaabi jiray xiligaasi magaca Cali Boobaaye, ciidankaasi ayaa tiradiisu ahayd 2000 oo Askari, waxaa laga kala qoray 6 gobol oo ka tirsan gobollada koonfureed ee Gumeystihii Talyaaniga gumeysanjiray.

Munaasabadda 12-ka April ee sanadkan 2018ka oo ah sanadguuradii 58aad ee ka soo wareegtay aas aaska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya, waxay ku soo beegantay xilli Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed uu ku tallaabsaday horumarro dhinacyo badan leh, islamarkaana ay socdaan qorshayaal kor loogu qaadayo Tayada iyo hoggaan wanaagga Ciidanka xoogga dalka.

Previous Post

Shirka horumarinta warbaahinta Dalka oo maalinti 2-aad ka socda Garoowe(DHAGEYSO)

Next Post

Haweeney Soomaaliyeed oo lagu xiray dalka Norway

Next Post
Haweeney Soomaaliyeed oo lagu xiray dalka Norway

Haweeney Soomaaliyeed oo lagu xiray dalka Norway

Saraakiil Boolis oo shahahaadada Master Degree ka qaatay Ruushka

Saraakiil Boolis oo shahahaadada Master Degree ka qaatay Ruushka

July 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah uga qalinjabiyay Akadeemiyadda Maamulka ee Wasaaradda Arrimaha...

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

July 24, 2026
0

Wafdi uu Hoggaaninayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka JSP Mudane Liibaan Axmed Xasan ayaa socdaal ku maraya deegaano iyo...

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

July 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax (Abdifatah Hared), ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Waxbarashada XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

July 24, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In