Friday, February 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/W Khayre “Mas’uuliyaddu maahan oo kaliya Shaqaadaada, Waa in aad sheegtaa Waxkasta oo dhib ku ah Dawladnimadeena.”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
R/W Khayre “Mas’uuliyaddu maahan oo kaliya Shaqaadaada, Waa in aad sheegtaa Waxkasta oo dhib ku ah Dawladnimadeena.”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

February 27, 2026
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

February 27, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo xalay ka qayb galay shir looga hadlayay amniga dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho, ayaa si wayn ula dar-daarmay Saraakiisha ciidanka Booliska iyo dhammaan hay’adaha amniga. Wuxuuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan ciidanka iyo dawladoodda, taasina ay tahay fursad muhiim uh wadashaqaynta shacabka iyo dawladoonimadda.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo sheegay in loo baahan yahay isbadel dhan walba ah ayaa yiri “ Waa muhiin in aan sameeno isbadel siyaasadeed iyo mid amniba si looga gudbo caqabadaha naga hortaagan dawladnimadda oo ay ka mid yihiin sugida amniga, bixinta casnshuuraha, shaqo abuurka, la dagaalanka argagixisada iyo ilaalinta nidaamka dawladnimo oo dhammaantood xal u ah dawladnimadeena.

“Ciidankeenu waxay hayaan shaqo muhiim ah, lkn waa in la isku soo dhaweeyaa shacabka iyo ciidanka si kalsooni buuxda loo helo, waa in ay jirtaa masuuliyad ah hadii degmo hebel amni darro ka dhacdo waa in hebel iyo hebel loo soo xiraa, si loo helo cida qaadanaysa mas’uuliyadda dambiga.

“Waa in la isku qiyaasaa qof waliba waxa uu galay, Taliyaha Booliisku waa in uu abaal mariyaa Taliyayaashiisa sdioo kalena waa in uu sharciga marsiiyaa hadii ay shacabka awood u sheegtaan. Guddoomiyaha Gobalka Banaadir waa in uu abaal mariyaa guddoomiyayaashiisa si shaqo wanaagsan loo qabto.

“Amniga inta aadan sugin waa in aad is waydiisaan khatar miyaan keeni karnaa, sababtoo ah shacabka Soomaaliyeed waa dad qiimo badan oo la shaqeeya dawladoodda, dhiigoodana macana wayn ayuu noogu fadhiyaa. Sidaa darteed ma doonayno in dhib loo gaysto.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay isla xisaabtan dhab ah, sidoo kalena waa in loo shaqeeyaa sidii hore hab ka duwan, taas oo looga fogaanayo musuq maasuqa iyo ilaalinta ammaanada aan hayno oo ah mas’uuliyadda, waana sida kaliya ee shacabka Soomaaliyeed nagu aamini karaan.

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaarha Soomaaliya Mudane Khayre ayaa Saraakiisha iyo madaxda gobolka Benaadir kula dar-daaray in dhaqankii wanaagsanaa ee dawladnimadeenu lahaan jirtay la soo celiyo, isagoona tilmaamay sida kaliya ee lagu dhisi karo in ay tahay shaqada dawladnimo oo laga sii bilaabo hoos.

Previous Post

Doorashada Mid kamid ah Kuraasta Golaha Shacabka oo ka dhacday Dhuusamareeb+Sawirro

Next Post

AMISOM evaluates its transition plan for Somalia

Next Post
AMISOM evaluates its transition plan for Somalia

AMISOM evaluates its transition plan for Somalia

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

February 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, si uu...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

February 27, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa Magaalada Jiddah uga kulan looga hadlaayay qodobbo dhowr ah oo...

Afur Diblomaasiyadeed: “Horumarka Soomaaliya”.

Afur Diblomaasiyadeed: “Horumarka Soomaaliya”.

February 27, 2026
0

Iyadoo la qaadanayo hal-ku-dhigga “Horumarka Soomaaliya”, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Ali, ayaa martigeliyay Afur heer...

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 27, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In