Monday, May 23, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/W Khayre “Mas’uuliyaddu maahan oo kaliya Shaqaadaada, Waa in aad sheegtaa Waxkasta oo dhib ku ah Dawladnimadeena.”

April 15, 2018
in Wararka
0
R/W Khayre “Mas’uuliyaddu maahan oo kaliya Shaqaadaada, Waa in aad sheegtaa Waxkasta oo dhib ku ah Dawladnimadeena.”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

May 23, 2022
Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

May 23, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo xalay ka qayb galay shir looga hadlayay amniga dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho, ayaa si wayn ula dar-daarmay Saraakiisha ciidanka Booliska iyo dhammaan hay’adaha amniga. Wuxuuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan ciidanka iyo dawladoodda, taasina ay tahay fursad muhiim uh wadashaqaynta shacabka iyo dawladoonimadda.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo sheegay in loo baahan yahay isbadel dhan walba ah ayaa yiri “ Waa muhiin in aan sameeno isbadel siyaasadeed iyo mid amniba si looga gudbo caqabadaha naga hortaagan dawladnimadda oo ay ka mid yihiin sugida amniga, bixinta casnshuuraha, shaqo abuurka, la dagaalanka argagixisada iyo ilaalinta nidaamka dawladnimo oo dhammaantood xal u ah dawladnimadeena.

“Ciidankeenu waxay hayaan shaqo muhiim ah, lkn waa in la isku soo dhaweeyaa shacabka iyo ciidanka si kalsooni buuxda loo helo, waa in ay jirtaa masuuliyad ah hadii degmo hebel amni darro ka dhacdo waa in hebel iyo hebel loo soo xiraa, si loo helo cida qaadanaysa mas’uuliyadda dambiga.

“Waa in la isku qiyaasaa qof waliba waxa uu galay, Taliyaha Booliisku waa in uu abaal mariyaa Taliyayaashiisa sdioo kalena waa in uu sharciga marsiiyaa hadii ay shacabka awood u sheegtaan. Guddoomiyaha Gobalka Banaadir waa in uu abaal mariyaa guddoomiyayaashiisa si shaqo wanaagsan loo qabto.

“Amniga inta aadan sugin waa in aad is waydiisaan khatar miyaan keeni karnaa, sababtoo ah shacabka Soomaaliyeed waa dad qiimo badan oo la shaqeeya dawladoodda, dhiigoodana macana wayn ayuu noogu fadhiyaa. Sidaa darteed ma doonayno in dhib loo gaysto.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay isla xisaabtan dhab ah, sidoo kalena waa in loo shaqeeyaa sidii hore hab ka duwan, taas oo looga fogaanayo musuq maasuqa iyo ilaalinta ammaanada aan hayno oo ah mas’uuliyadda, waana sida kaliya ee shacabka Soomaaliyeed nagu aamini karaan.

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaarha Soomaaliya Mudane Khayre ayaa Saraakiisha iyo madaxda gobolka Benaadir kula dar-daaray in dhaqankii wanaagsanaa ee dawladnimadeenu lahaan jirtay la soo celiyo, isagoona tilmaamay sida kaliya ee lagu dhisi karo in ay tahay shaqada dawladnimo oo laga sii bilaabo hoos.

Previous Post

Doorashada Mid kamid ah Kuraasta Golaha Shacabka oo ka dhacday Dhuusamareeb+Sawirro

Next Post

AMISOM evaluates its transition plan for Somalia

Next Post
AMISOM evaluates its transition plan for Somalia

AMISOM evaluates its transition plan for Somalia

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

May 23, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digreeto uu soo saaray waxaa uu Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan...

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

May 23, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa caawa Xarunta KMG ah maamulkaas ee Kismaayo ku qaabilay madaxa Hay’ada...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer ku tegay Deegaanka Ceelmacaan “SAWIRRO”

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer ku tegay Deegaanka Ceelmacaan “SAWIRRO”

May 23, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeeray deegaanka Ceelmacaan ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa...

Ra’iisul Wasaare Rooble oo  ugu Warbixiyay safarkiisi Madaxweynaha

Ra’iisul Wasaare Rooble oo  ugu Warbixiyay safarkiisi Madaxweynaha

May 23, 2022
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In