Monday, June 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare ku-xigeenka dalka oo kormeer shaqo ku tegay Xarunta Hay’adda Cilmi baarista Baddaha Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
R/wasaare ku-xigeenka dalka oo kormeer shaqo ku tegay Xarunta Hay’adda Cilmi baarista Baddaha Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisalwasaare ku xigeenka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Mohamed Gulleid Khadar ayaa kormeer shaqo ku tegey Xarunta Hay’adda Cilmi Baarista Baddaha Soomaaliya.

R/wasaare ku xigeenka ayaa waxa kormeerkiisan shaqo ku wehelinayay Wasiirka gaadiidka Badda iyo Dekeddaha Soomaaliya Maryan Aweys iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi Cismaan Maxamed Cabdi Daallo.

Related posts

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

June 8, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026

Madaxda Hay’adda Cilmi Baarista Baddaha Soomaaliya ayaa Ra’iisalwasaare ku xigeenka iyo Wasiiradda kusoo dhoweeyay xarunta Hay’addaasi.

Gudoomiyaha Hay’adda Cilmi Baarista Baddaha Soomaaliya Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) ayaa Ra’iisalwasaare ku xigeenka warbixin ka siiyay shaqadda ay Hay’addu qaranka u hayso waxaanna uu tilmaamay in Hay’addu deraasad ku samaysay xeebaha Soomaaliya wuxuuna soo bandhigay sun lagu soo daadiyay qaybo kamid ah xeebaha dalka isagoona la waadagay Madaxda sawiro iyo muuqaalo muujinaya sunta lagu arkay meelo kamid ah xeebaha dalka.

Ra’iisalwasaare ku xigeenka dalka Md Mahdi Mohamed Gulleid sheegay in kormeerka ay ku yimaadeen Hay’adda Cilmi Baarista Baddaha Soomaaliya uu qayb ka yahay barnaamijka isla xisaabtanka ee xukumadda waxaanna uu tilmaamay inay ka duulayaan siyaasadda madaxweynaha ee ah in la sugo in shacabka soomaaliyeed sidii loogu talo galay ugu adeegaan hay’adda laamaha dawladdu.

“Kormeerkan shaqo ee aan ku tegay Hay’adda Cilmi Baarista Baddaha Soomaaliya wuxuu qayb ka yahay qorshayaasha Xukuumadda ee ku sar go’an isla xisaabtanka iyo hufnaanta shaqada qaranka. Waxaan aad u bogaadinayaa madaxda Hay’adda Cilmi Baadhista Baddaha hawsha baaxadda leh ee ay qaranka u hayaan. Dawladda Nabad iyo Nolol waxay ka duulaysaa siyaasadda Madaxweynaha ee halbeegedu yahay in Hay’addaha dawladu ay sidii loo baahnaa ugu adeegaan shacabka.” Ayuu yidhi R/w ku xigeenka Soomaaliya Md Mahdi Mohamed Gulleid.

Kormeerka R/w ku xigeenka Soomaaliya ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili uu shalay shir gudoomiyay kulan looga hadlayay sharciyada heer federaal ee la dagaalanka budhcad badeeda iyo ansixinta xeerka qabyo qoraalka ah ee baddaha Soomaaliya.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeeray Taliska qeybta guud ee Booliska G/banaadir oo howlo dib u dayactir ay ka socdaan “Sawirro”

Next Post

Hay’adaha loo Wakiishay Dib-u-Eegista Dastuurka oo Kulan la yeeshay Golaha Fulinta iyo Sharci Dajinta Koonfur Galbeed.

Next Post
Hay’adaha loo Wakiishay Dib-u-Eegista Dastuurka oo Kulan la yeeshay Golaha Fulinta iyo Sharci Dajinta Koonfur Galbeed.

Hay'adaha loo Wakiishay Dib-u-Eegista Dastuurka oo Kulan la yeeshay Golaha Fulinta iyo Sharci Dajinta Koonfur Galbeed.

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

June 8, 2026
0

Magaalada Muqdisho oo ka furmaya Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya, oo ah kulan heer qaran ah oo muhiim u ah...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. HOOS KA AKHRISO

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ku saabsan dhaawacyada iyo dhimashada ka dhalatay howlgallada lagula dagaallamayo hubka sharci-darrada...

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adaha Amniga Caasimadda waxay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Degmada Cabdicasiis iyo xaafadda Marinaayo, ku wargelinayaan in...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In