|
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa maanta biloowday tababarka tababarayaasha Saraakiisha Sare ee Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka. Tababarkan oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan Dawladda Federaalka, Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa waxa uu seddex maalin ka socon doonaa magaalada Muqdisho. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimha Dastuurka ee XFS Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa ugu horeeyn ka hadlay ujeeddada tababarka. “Qorshaha tababarkan horay ayuu u soo socday oo June, 2017 ayaa bilaawnay diyaarinta Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga, maanta waxa aan gudagaleynaa fulinta Istiraatiijiyadda waxaana ugu horeeya in dadkii dalka oo dhan ka fulin lahaa la tababaro” ayuu yiri Agaasimaha Guud. Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Dr. Ugu dambayn, Wasiir Ku-Xigeenka ayaa kula dardaarmay ka qaybgalayaasha inay ka faa’ideystaan tababarka kana qaybqaataan gaarsiinta Waxbarashada Madaniga ee Dib-u-eegista Dastuurka gobolada ay ka yimaadeen. |
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...



















