|
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa maanta biloowday tababarka tababarayaasha Saraakiisha Sare ee Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka. Tababarkan oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan Dawladda Federaalka, Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa waxa uu seddex maalin ka socon doonaa magaalada Muqdisho. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimha Dastuurka ee XFS Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa ugu horeeyn ka hadlay ujeeddada tababarka. “Qorshaha tababarkan horay ayuu u soo socday oo June, 2017 ayaa bilaawnay diyaarinta Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga, maanta waxa aan gudagaleynaa fulinta Istiraatiijiyadda waxaana ugu horeeya in dadkii dalka oo dhan ka fulin lahaa la tababaro” ayuu yiri Agaasimaha Guud. Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Dr. Ugu dambayn, Wasiir Ku-Xigeenka ayaa kula dardaarmay ka qaybgalayaasha inay ka faa’ideystaan tababarka kana qaybqaataan gaarsiinta Waxbarashada Madaniga ee Dib-u-eegista Dastuurka gobolada ay ka yimaadeen. |
𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...



















