Ururada Bulshada rayidka ah ee Dowlad Gobboleedka Hir-Shabelle Soomaaliya ayaa kulan aragti is-waydaarsi ah oo lagu lafa gurayey hannaanka dib-u- eegista Dastuurka Soomaaliya ku yeeshay magaalada Jowhar. Kulanka oo ay soo qaban-qaabisay Dallada Jillayaasha Aan Dowliga ahayn ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya-SOSCENSA, ayaa waxaa ka soo qeyb-galay qaybaha kala-duwan ee Ururada Bulshada Rayidka Hir-Shabeelle sida Culumaa-udiinka, Ururada haweenka, Dhallinyarada, Odayaasha Dhaqanka, Warbaahinta iyo Jaamacadaha.
Ujeedada kulanka ay isugu yimaadeen Ururada Bulshada Rayidka ayaa ahaa:-
- In bulashada rayidku ay aragti is-waydaarsi ka yeeshaan halka uu marayo geeddi socodka dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya.
- In ay ka tashadaan kaalintooda kaga aadan ka qeyb-galka dib-u-eegista dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya iyo caqabadaha ka haysta ka qayblka hannaanka.
- Hababka ugu haboon ee loo dhaqaajin karo dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya.
Ka qeyb-galayaasha ka socday ururada Bulshada Rayidka ayaa wada qaatay dood dheer, wadatashi iyo falanqeyn ku aadan geeddi socodkaa dib-u-eegista Dastuura, kaalinta bulshada rayidka, caqabadaha ka heysta ka qayb-galka hannaanka dib-u-eegista Dastuurka iyo hababka ugu haboon ee loo dhaqaajin karo, waxa ay soo saareen talooyinka hoos ku xusan:
- In Hanaanka Dib u Eegista Qabyo Qoraalka Dastuurka Soomaaliya uu noqdo hannaan Soomaalidu ay gacantooda kujira beesha caalmkana ay soo fara-galin
- In Dowlada Federaalka iyo Dowlad Gobbaleedyada Dalka ay ka dhabeeyaan in Qabyo Qoraalka Dastuurka uusan dhaafin dhammaadka 2018.
- In Dowlada Federaalka iyo Dowlad Gobbaleedyada Dalka ay door muhiim ah ka siiyaan Ururada Bulshada Rayidka ah Geedi socodka Dib-u-eegista Daastuurka, maadaama ay iyagu ku dhexjiraan Bulsho waynta Soomaaliyeed.
- In qorshaha guud ee loo diyaariyay hannaanka dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya(CRP Road Map) aan lasoo bandhigin iyada oo aan dib-u- eegis lagu samayn, Bulshada Rayidka ahna laga qayb galin .
- In Geeddi socodka Dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya aas-aas looga dhigo mabaadii’da shareecada Islaamka.
- In Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka laga qayb galiyo qubaro aqoon u leh shareecada Islaamka iyo Qawaaniinta Caalamiga.
- In la qabto wacyigalin ballaaran oo ku saabsan Geeddi socodka Dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya iyada oo la gaarsiinaayo dhammaan Bulshada Soomaaliyeed , gobbal ilaa Tuulo iyada oo Ururada Bulshada Rayidka ahna ay qabanayaan wacyigalinadaas. Gaba-gabada kulanka, kasoo qayb galyaasha ayaa u mahad celiyay Dallada SOSCENSA oo soo abaabushay kulanka halka maalinka ahaa ee lagu lafa-guraayay Geeddi socodka Dib u Eegista Qabyo Qoraalka Dastuurka Soomaaliya.