Tuesday, July 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda oo xariga ka jaray xarumaha adeegga bulshada ee Deyniile iyo Dharkiinleey “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda oo xariga ka jaray xarumaha adeegga bulshada ee Deyniile iyo Dharkiinleey “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 18 Abriil, 2018– Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Benaadir Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta xariga ka jaray xafiisyada Adeegga ee degmooyinka Deyniile iyo Dharkiinleey ee Gobolka Benaadir.

Xafiisyada Adeegga heer degmo ee la hir geliyey ayaa bixin doona adeegyada shatiyada, dhalashada iyo sugnaanta, kaarka aqoonsiga ee dawladda hoose, Nootaayooyinka iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah, kuwaas oo markii hore shacabku ay u soo doonan jireen Xarunta Gobolka.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026

Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in tallaabadan lagu hirgeliyey xarumahan ay qeyb muhiim ah ka tagay aragtida horumarineed ee Guddoonka Gobolka, isagoona xaqiijiyey in Maamulka Gobolku ay dhawaan ka hirgelin doonaan Xafiiska Adeegga Bulshada dhammaan 17ka Degmo ee Gobolka Benaadir.

“Mudaddi boqolka maalmood ahayd ee Guddoomiye Yarisow uu xilka hayey waxaa noo suurta gashay in aan ka furno todoba degmo oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Benaadir xafiisyada adeegga bulshada, taas oo ka tarjumeysa sida ay nooga go’antahay in aan daadajinno adeegyada uu bixiyo Maamulka Gobolku, tani oo meesha ka saareysa culeyska iyo dhibaatada ay kala kulmi jireen shacabku helitaanka adeegyada asaasiga u ah.” Ayuu yiri Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda.

Munaasabadda furitaanka xarumahan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Dayniile, Dharkiinleey iyo Agaasimaha dakhliga Gobolka Benaadir.

Dadka ku nool degmooyinka Deyniile iyo Dharkiinleey ayaa soo dhaweeyey xafiisyadan looga hirgaliyey deegaannadooda iyagoona tilmaamay in ay ka fududeeynayso caqabadihii ay horey ugala kulmi jireen helitaanka adeegyada ay uga baahanyihiin Maamulka.

–DHAMMAAD–

Previous Post

Constitutional Review Process civil society Discussion Meeting in Jowhar

Next Post

Ku-simaha Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray xarunta Degmada Heliwaa oo dib u habeyn lagu sameeyay “SAWIRRO”

Next Post
Ku-simaha Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray xarunta Degmada Heliwaa oo dib u habeyn lagu sameeyay “SAWIRRO”

Ku-simaha Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray xarunta Degmada Heliwaa oo dib u habeyn lagu sameeyay "SAWIRRO"

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh iyo murugo la wadaagaysaa Jamhuuriyadda...

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026
0

Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Hantiwadaag...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

July 20, 2026
0

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Xisbiga JSP, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

July 20, 2026
0

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi ciyaareed oo gaar ah, iyadoo kumannaan shacab ah ay goobo kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In