Saturday, May 28, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda oo xariga ka jaray xarumaha adeegga bulshada ee Deyniile iyo Dharkiinleey “SAWIRRO”

April 18, 2018
in Wararka
0
Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda oo xariga ka jaray xarumaha adeegga bulshada ee Deyniile iyo Dharkiinleey “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 18 Abriil, 2018– Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Benaadir Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta xariga ka jaray xafiisyada Adeegga ee degmooyinka Deyniile iyo Dharkiinleey ee Gobolka Benaadir.

Xafiisyada Adeegga heer degmo ee la hir geliyey ayaa bixin doona adeegyada shatiyada, dhalashada iyo sugnaanta, kaarka aqoonsiga ee dawladda hoose, Nootaayooyinka iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah, kuwaas oo markii hore shacabku ay u soo doonan jireen Xarunta Gobolka.

Related posts

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

May 27, 2022
Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

May 27, 2022

Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in tallaabadan lagu hirgeliyey xarumahan ay qeyb muhiim ah ka tagay aragtida horumarineed ee Guddoonka Gobolka, isagoona xaqiijiyey in Maamulka Gobolku ay dhawaan ka hirgelin doonaan Xafiiska Adeegga Bulshada dhammaan 17ka Degmo ee Gobolka Benaadir.

“Mudaddi boqolka maalmood ahayd ee Guddoomiye Yarisow uu xilka hayey waxaa noo suurta gashay in aan ka furno todoba degmo oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Benaadir xafiisyada adeegga bulshada, taas oo ka tarjumeysa sida ay nooga go’antahay in aan daadajinno adeegyada uu bixiyo Maamulka Gobolku, tani oo meesha ka saareysa culeyska iyo dhibaatada ay kala kulmi jireen shacabku helitaanka adeegyada asaasiga u ah.” Ayuu yiri Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda.

Munaasabadda furitaanka xarumahan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Dayniile, Dharkiinleey iyo Agaasimaha dakhliga Gobolka Benaadir.

Dadka ku nool degmooyinka Deyniile iyo Dharkiinleey ayaa soo dhaweeyey xafiisyadan looga hirgaliyey deegaannadooda iyagoona tilmaamay in ay ka fududeeynayso caqabadihii ay horey ugala kulmi jireen helitaanka adeegyada ay uga baahanyihiin Maamulka.

–DHAMMAAD–

Previous Post

Constitutional Review Process civil society Discussion Meeting in Jowhar

Next Post

Ku-simaha Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray xarunta Degmada Heliwaa oo dib u habeyn lagu sameeyay “SAWIRRO”

Next Post
Ku-simaha Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray xarunta Degmada Heliwaa oo dib u habeyn lagu sameeyay “SAWIRRO”

Ku-simaha Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray xarunta Degmada Heliwaa oo dib u habeyn lagu sameeyay "SAWIRRO"

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

May 27, 2022
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) iyo Duqa Magaalada Konya ee Dalka Turkiga...

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

May 27, 2022
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Deegaanka War-Ciise ee gobolka Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan kaasi oo ay ku baacsanayeen...

Aljazeera oo ICC u gudbineysa dacwad la xiriirta dilka weriye Shireen Abu Akleh

Aljazeera oo ICC u gudbineysa dacwad la xiriirta dilka weriye Shireen Abu Akleh

May 27, 2022
0

Shabakadda Warbaahinta Aljazeera ayaa qabanqaabisay koox dhanka sharciga ah,si ay dacwad ku saabsan dilka wariye Shireen Abu Akleh ugu gudbiyaan...

Madaxweye JFS oo qaabilay ergayga gaarka ah ee midowga Yurub u qaabilsan geeska Africa

Madaxweynaha JFS oo u mahadceliyay guddiyadii doorashooyinka dalka

May 27, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu abaal marinayay guddiyadii iyo howlwadeennadii kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In