Kooxda Kubada Cagta Heegan ayaa adkaatay kulan ay la Ciyaartay kooxda Gadiidka kulan ka tirsanaa horyaalka Soomaaliya waana kii 14-aad oo ay ciyaraan labada kooxod.
Horyaalka oo ahayd mid aad u xiiso badneyd ayaa waxaa qaybtii hore lagu kala nastay 2-1 oo ay hogaanka ku haysay Heegan oo matasha Ciidanka Booliska.
Qaybtii danbe oo la isku soo laabtay ayaa waxaa Heegan ay la timid gool kale 3-1 ayaa lagu qaarijiyay ugu danbeyntii kooxda Gadiidka oo la kulantay guuldaradii 8-aad ee horyaalka Soomaaliya halka kooxda Heegan ay gaartay Gushii 7-aad ee Horyaalka Soomaaliya.
Guusha Kooxda Heegan ay gaartay ayaa ka dhigan in ay kala horeynta horyaalka ay ka soo gashay kaalinta Sadexaad waxaana isku dhibco ay yahiin kooxda Horseed oo taako loo dhigay kadib markii Barbaro ay la gashay kooxda Jenyo oo ka mid ah kooxaha ugu waa weyn horyaalka Soomaaliya.
Haatan labada kooxod ee Ciidanka Waa Horseed iyo Heegan ayaa waxay yahiin leyahiin 27-dhibcood oo ay leedahay Horseed iyo Heegan oo leh 26-dhibcood Heegan waxay Lix dhibcood u jirtaa Hogaanka halka kooxda Horseed ay u jirto afar dhibcood ayadoo kooxda kaalinta labaad kaga jirto ee Banaadir laba dhibcood ay u jirto kooxda Heegan halka Banaadir horyaalka looga hogaaminayo sadex dhibcood
Dhamaan afarta kooxod ee ugu sareeya horyaalka ayaa isku jiro tiro dhibco aad u yar taasi ayaana xiisaha horyaalka kor u sii qaadeysa ayadoo Dekada Sadex dhibcood ay ku hogaamineyso Horyaalka halka Banaadir dhibic ay ku hogaamineyso kaalinta labaad Horseed waxay kaalinta Sadexaad ku Hogaamineysa hal dhibic.
Madbacadda oo shalay Ciyaartay kulankeedii 14-aad ee horyaalka Soomaaliya ayaa waxay barbaro ku Celisay kooxda Kubada Cagta Elman oo uu hogaamineyay macalinka Cusub ee Kooxdaasi Taree kaasi oo isaga soo dhaqaaqay kooxda Gadiidka galabta Heegan ay ku tumatay.
Macalin Taree ayaa barbaro lagu soo dhaweeyay kulankisii ugu horeyay ee horyaalka uu leyliyay kooxdiisa Cusub ee Elman ayadoo sidoo kale dhigiisa Cabdi Joon oo isaga soo dhaqaaqay Elman kuna biiray kooxda Ciidanka Xooga ee Horseed oo sidoo kale barbaro lagu soo dhaweeyay kulankisii ugu horeyay ee uu leyliyo kooxdaasi waxaana lagu xusuusta Cabdi Joon in kulankisii ugu danbeyay afar sano ka hor Markii uu isaga tagay kooxda Horseed uu barbaro galay.
Kala Horeynta Horyaalka Soomaaliya Halkaan Hoose Kaga Bogo.