Thursday, November 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Turkiga oo tallaabo wanaagsan ku tilmaamay hannaanka loo Daryeello Maxabiista  Xabsiga dhexe ee Xamar “SAWIRRO”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Dowladda Turkiga oo tallaabo wanaagsan ku tilmaamay hannaanka loo Daryeello Maxabiista  Xabsiga dhexe ee Xamar “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidammada Asluubta Soomaaliyeed oo uu wehliyey Safiirka dowladda walaalaha ee Turkiga u qaabilsan Soomaaliya ayaa booqday Xabsiga dhexe ee Xamar oo ay ku jiraan Maxaabiis kala duwan, laba masuul ayaana booqday Warshadaha Farsamada Gacanta ee Xirladda loogu abuuray Maxaabiista Soomaaliyeed ee halkaas ku xiran.

Meelaha sida gaar ah  loo soo indha-indheeyey waxaa ka mid Warshadaha soo saarta Qalabka Xafiisyada, Dharka iyo IWM.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa u mahadceliyey Danjiraha dowladda Turkiga, sida ay mar walba kaalin mug leh uga qaataan taageerada Soomaaliya ee dhinac walba.

Safiirka Tukriga u fadhiya Soomaaliya Olgen Beker ayaa ammaanay sida hufnaanta leh ee loo dhiirogeliyo Maxaabiista, loona dhiso maskaxdooda, waxa uu sheegay in ay garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed, arrimaha Xabsiyada iyo Caddaaladdana ay ka taageerayaan.

Gabogabadii Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Danjire Olgen Beker ayaa la guddoonsiyey Haddiyad sharafeed uu ugu talogalay taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana goob-joog ka ahaa taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal C/kariim Cali Afrax.

Related posts

Wasiirka Dekadaha XFS oo shir doceed la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’adda IMO

Wasiirka Dekadaha XFS oo shir doceed la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’adda IMO

November 27, 2025
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

November 27, 2025
Previous Post

Tababar ku saabsanaa ka faa’iideysiga ileyska cadceeda ku shaqeeya oo Muqdisho lagusoo gaba gabeeyay “SAWIRRO”

Next Post

Dekadda Oo Kulankii Shanaad Oo Is Xiga Ka Adkaan Weysay Horseed

Next Post
Dekadda Oo Kulankii Shanaad Oo Is Xiga Ka Adkaan Weysay Horseed

Dekadda Oo Kulankii Shanaad Oo Is Xiga Ka Adkaan Weysay Horseed

Wasiirka Dekadaha XFS oo shir doceed la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’adda IMO

Wasiirka Dekadaha XFS oo shir doceed la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’adda IMO

November 27, 2025
0

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

November 27, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulanka 9-aad ee...

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025
0

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisa afaraad, iyadoo maanta lagu soo bandhigay dood...

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

November 27, 2025
0

War-saxaafadeedka.   Muqdisho, 27 Nofeembar 2025 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad Khawaarij ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In