Wednesday, August 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Beyle“Haddii sida aynu wax u wadno u socdaan waxaa suurta gal ah in12 bilood gudahood Soomaaliya deymaha looga cafiyo”

caqiil by caqiil
April 22, 2018
in Wararka
0
Wasiir Beyle“Haddii sida aynu wax u wadno u socdaan waxaa suurta gal ah in12 bilood gudahood Soomaaliya deymaha looga cafiyo”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka qeyb galay shir ka dhacay Magaalada Waashitoon oo looga hadlayay arrimaha lacagaha ayna soo qaban qaabiyeen Bangiga aduunka iyo hey’addaha IMF ayaa sheegay in ay macquul tahay 12 bilood gudahood in Soomaaliya looga cafiyo dhammaan deymaha ay ku leedahay Beesha Caalamku.

Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay VOA-da  ayaa tilmaamay in wada shaqeyn fiican ay ka dhaxeyso Wasaaaradda iyo Hey’adda IMF, isaga oo intaas raaciyay in Soomaaliya ay seddax meelood labo meel ku guuleysatay shuruurdihii la hor dhigay haddana ay ku jiraan dhammeystirka howsha.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

August 20, 2025
Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

August 20, 2025

“IMF iyo Bangiga aduunka waa ay ku qanceen sida aan shaqada ku wadno, waxa ayna noo sheegeen in aan ka soo baxnay balantii aan wada galnay, waxa ayna caddeyn doonaan in aan nahay waddan isbadal sameeyay, iyaga oo naga taageeri doona sidii Maalgashi iyo cafis deymaha ah aan u heli lahayn” ayuu yiri Wasiir Beyle”.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Midowga Yurub ay lasoo xiriireen kuna wargaliyeen in 100 Milyan ay Soomaaliya ku taageerayaan si miisaaniyadda dowladda loogu kabo, arrintanna waxa ay ku timid markii IMF iyo World Bank ay ammaaneen hannaanka Maaliyadeed ee Soomaaliya.

Beyle oo wax laga weydiiyay sababta ay Soomaaliya kaalinta koowaad uga jirto wadamada musuqmaasuqa uu ka jiro ayaa ku jawaabay in IMF iyo qolada qiimaynta sameysa ay kala duwan yihiin, qiimeyntii ugu dambeysay ee soo baxday ayuuna wasiirku tilmaamay in ay Mala awaal tahay oo ay heystaan cabirkii hore ee Soomaaliya ay ku sugneed laakiin qolada wax qiimeysa aysan isku hawlin in ay baaris cusub sameeyaan.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay sanadkii lasoo dhaafay in ay bixiso dhammaan mushaarkii shaqaalaha waxaa kale oo ay ku guuleystay in ay yareyso musuqmaasuqa.

Previous Post

Madbacada iyo Banaadir Galabta

Next Post

Wasiirka Wax-barashada Soomaaliya oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka

Next Post
Wasiirka Wax-barashada Soomaaliya oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka

Wasiirka Wax-barashada Soomaaliya oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

August 20, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa si rasmi ah u daahfuray Shir heer Qaran ah...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

August 20, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka

August 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay, Cumar Cali Afrax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda...

Danjire Ibraahin oo faahfaahin ka bixiyay doonyo ku degay xeebaha Jaziirada Lampedusa

Danjire Ibraahin oo faahfaahin ka bixiyay doonyo ku degay xeebaha Jaziirada Lampedusa

August 20, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga Danjire Ibraahim Cumar Sheegow ayaa ka warbixiyay qasaaraha ka dhashay labo doonyood oo ku qalibmatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In