Saturday, September 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Beyle“Haddii sida aynu wax u wadno u socdaan waxaa suurta gal ah in12 bilood gudahood Soomaaliya deymaha looga cafiyo”

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Wasiir Beyle“Haddii sida aynu wax u wadno u socdaan waxaa suurta gal ah in12 bilood gudahood Soomaaliya deymaha looga cafiyo”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka qeyb galay shir ka dhacay Magaalada Waashitoon oo looga hadlayay arrimaha lacagaha ayna soo qaban qaabiyeen Bangiga aduunka iyo hey’addaha IMF ayaa sheegay in ay macquul tahay 12 bilood gudahood in Soomaaliya looga cafiyo dhammaan deymaha ay ku leedahay Beesha Caalamku.

Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay VOA-da  ayaa tilmaamay in wada shaqeyn fiican ay ka dhaxeyso Wasaaaradda iyo Hey’adda IMF, isaga oo intaas raaciyay in Soomaaliya ay seddax meelood labo meel ku guuleysatay shuruurdihii la hor dhigay haddana ay ku jiraan dhammeystirka howsha.

Related posts

Soomaaliya oo noqotay dalkii 50-aad ee xubin ka noqda Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Soomaaliya oo noqotay dalkii 50-aad ee xubin ka noqda Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika

September 5, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo soo dhaweyn hoygiisa ugu sameeyay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi oo dalka dib ugu soo laabtay

Wasiirka Warfaafinta oo soo dhaweyn hoygiisa ugu sameeyay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi oo dalka dib ugu soo laabtay

September 5, 2026

“IMF iyo Bangiga aduunka waa ay ku qanceen sida aan shaqada ku wadno, waxa ayna noo sheegeen in aan ka soo baxnay balantii aan wada galnay, waxa ayna caddeyn doonaan in aan nahay waddan isbadal sameeyay, iyaga oo naga taageeri doona sidii Maalgashi iyo cafis deymaha ah aan u heli lahayn” ayuu yiri Wasiir Beyle”.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Midowga Yurub ay lasoo xiriireen kuna wargaliyeen in 100 Milyan ay Soomaaliya ku taageerayaan si miisaaniyadda dowladda loogu kabo, arrintanna waxa ay ku timid markii IMF iyo World Bank ay ammaaneen hannaanka Maaliyadeed ee Soomaaliya.

Beyle oo wax laga weydiiyay sababta ay Soomaaliya kaalinta koowaad uga jirto wadamada musuqmaasuqa uu ka jiro ayaa ku jawaabay in IMF iyo qolada qiimaynta sameysa ay kala duwan yihiin, qiimeyntii ugu dambeysay ee soo baxday ayuuna wasiirku tilmaamay in ay Mala awaal tahay oo ay heystaan cabirkii hore ee Soomaaliya ay ku sugneed laakiin qolada wax qiimeysa aysan isku hawlin in ay baaris cusub sameeyaan.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay sanadkii lasoo dhaafay in ay bixiso dhammaan mushaarkii shaqaalaha waxaa kale oo ay ku guuleystay in ay yareyso musuqmaasuqa.

Previous Post

Madbacada iyo Banaadir Galabta

Next Post

Wasiirka Wax-barashada Soomaaliya oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka

Next Post
Wasiirka Wax-barashada Soomaaliya oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka

Wasiirka Wax-barashada Soomaaliya oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka

Soomaaliya oo noqotay dalkii 50-aad ee xubin ka noqda Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Soomaaliya oo noqotay dalkii 50-aad ee xubin ka noqda Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika

September 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u gudbisay dukumentiga ansixinta Heshiiska Dhismaha Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda...

Wasiirka Warfaafinta oo soo dhaweyn hoygiisa ugu sameeyay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi oo dalka dib ugu soo laabtay

Wasiirka Warfaafinta oo soo dhaweyn hoygiisa ugu sameeyay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi oo dalka dib ugu soo laabtay

September 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa hoygiisa qado sharaf iyo soo...

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In