Tuesday, December 30, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Xagaa “Falkan waa mid ay argagaixsadu ku dooneyso in ay ku xagal daaciso nabadgalyada ka hanaqaaday Galkacyo”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasiir Xagaa “Falkan waa mid ay argagaixsadu ku dooneyso in ay ku xagal daaciso nabadgalyada ka hanaqaaday Galkacyo”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 28 Abriil 2018: Ku-Simaha Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa ka tacsiyeeyay dadkii shacabka ahaa, askartii iyo saraakiishii ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku shahiiday qaraxii bahalnimada ahaa ee ay argagixisada Alshabaab ka geeysteen magaalada Gaalkacayo.

Wasiirka ayaa sheegay in qaraxaan oo uu ku shahiiday, Alle ha u naxariistee Taliyihii Ciidanka Xasilinta Gobolka Mudug, Korneeyl Cabdixakiin Cabdullaahi Maxamuud (Xorreeye) uu muujinayo dhagarta iyo dhibaatada ay argagixisada Alshabaab u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Related posts

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

December 29, 2025
Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

December 29, 2025

“Innaa Lilaahi Wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan uga tacsiyeynaaya shacabka Soomaaliyeed dhammaan dadkii ku shahiidday weerarkaas fuleynimada ah ee naftii halligaha ka tirsanaa argagixisada Alshabaab uu ka fuliyey magaalada Gaalkacayo, halkaas oo ay ka socoto shaqo wanaagsan oo ku saabsan xasilinta Gobolka Mudug.

“Falkan waa mid ay argagaixsadu ku dooneyso in ay ku xagal daaciso nabadgalyada ka hanaqaaday Galkacyo. Waxaan farayaa Ciidanka Isku-dhafka ah ee ku howlan xasilinta magaalada Gaalkacayo in ay dar-dar geliyaan shaqada qaran ee ay hayaan, isla markaasna ay ka hortagaan falalka arxan darrada ah ee argagixisadu ay la beegsanayaan shacabka.”

Wasiirka ayaa ku adkeeyey Shacabka Gobolka Mudug in ay ilaashadaan wadajirkooda iyo isku doobnidooda oo ah sababta ay duullaanka ku yihiin argagixisadu, iyagoona ku hamminaaya in ay dib u soo celiyaan colaaddii iyo dhibaatadii ay ka soo gudbeen shacabka Gobolka.

Ku-simaha Wasiirka, ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeysa shacabka Gobolka Mudug, laamaha ammaanka ee heer gobol iyo ciidanka Isku-dhafka ah ee xasilinta magaalada Galkacayo ay horseed u tahay sidii looga cirib tiri lahaa argagixisada Alshabaab dhammaan deegaannada Gobolka Mudug.

Previous Post

Xildhibaanada Aqalka sare oo Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha Samafalka ugu baaqay in loo gurmado Shacabka Baladweyne+Sawirro

Next Post

Dhegeyso Madaxweyne Waare ”150.000 oo qof ayaa ka barakacday Fatahaada wabiga ee Baladweyne” (Waraysi)

Next Post

Dhegeyso Madaxweyne Waare ''150.000 oo qof ayaa ka barakacday Fatahaada wabiga ee Baladweyne'' (Waraysi)

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

December 29, 2025
0

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay dalal iyo hay’ado caalami ah oo si cad uga soo horjeestay...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

December 29, 2025
0

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay qaranimada Soomaaliya ayaa xalay ka dhacay isgoyska Taleex ee degmada Hodan,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan wadatashi la yeeshay Madaxda dowlad Gobolleedyada iyo Gobalka Benaadir

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan wadatashi la yeeshay Madaxda dowlad Gobolleedyada iyo Gobalka Benaadir

December 28, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shir looga hadlay ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka la qaatay, qaar...

Madaxweynaha JFS oo shir looga hadlayay ilaalinta midnimada la qaatay Mas’uuliyiinta Hay’adaha dowladda ku matala Gobolada Waqooyi

Madaxweynaha JFS oo shir looga hadlayay ilaalinta midnimada la qaatay Mas’uuliyiinta Hay’adaha dowladda ku matala Gobolada Waqooyi

December 28, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira wada-tashiyo Qaran oo lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In