Tuesday, April 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Xulkeenna Soomaaliya oo soo bandhigay Ciyaar aad u sareysa balse Nasiibka uu ka Hiiliyay

admin by admin
8 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Xulkeenna Soomaaliya oo soo bandhigay Ciyaar aad u sareysa balse Nasiibka uu ka Hiiliyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciyaarta oo ahayd mid aad u xiisa badneyd una dhaxeysay Xulalka 17-jirada ee Soomaaliya iyo Tanzaaniya ayaa goordhow ku soo idlaatay magaalada Bujunbura ee dalka Burundi,waxaana 2-0 guusha ay ku raacday Xulka dalka Tanzaania.

Ciyaarta waxa ay qeybtii hore ku bilaabatay weerar iyo weerar celis oo ay Soomaaliya ku gacan sarreysay,Daqiiqadihii hore waxaa da’ay Roob oo ku dhowaad 30-daqiiqo sabab u noqday in ciyaarta la hakiyo.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026
Madaxweynaha  Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

April 14, 2026

Markii la soo laabtay ayaa Xulkeenna Soomaaliya ee 17-sano jirada ay halkoodii ka sii waday beegsigoodii Goolka Xulka Tanzaaniya,waxaana u suurta gashay iney dhaliyaan labo gool,balse garsooraha uu ka diiday.

Ciyaarta ayaa waxaa daawanayay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Ra’iisal wasaare Ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) iyo Mas’uuliyiin ka socday Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya iyo Africa.

Xulka Qaranka Soomaaliya matelya ee 17-jirada ayaa waxaa  wareegi Sami-finalka kasoo badiyeen Uganda oo ay ku garaaceen 1-0, halka Tanzania ay 2-1 uga soo badisay Kenya.

Sidoo kale Xulka da’yarta ee 17-jirada Soomaaliya waxa ay horay uga soo badiyeen xulalka Ethiopia, Kenya, Uganda iyo Burundi oo ay barbarro galeen.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Teleefoon kula hadlay Xulka 17 jirada Soomaaliya ee Galabta Ciyaaraya dhamaadka Ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika

Next Post

Guddoomiye Yariisow oo ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo Shacabka uu saameeyey Fatahaadda Wabiga Shabelle

Next Post
Guddoomiye Yariisow oo ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo Shacabka uu saameeyey Fatahaadda Wabiga Shabelle

Guddoomiye Yariisow oo ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo Shacabka uu saameeyey Fatahaadda Wabiga Shabelle

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii-hayaha Wakiilka Xoghayaha Guud...

Madaxweynaha  Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

April 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

April 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta si rasmi ah u gudbisay nuqulka...

Wasiirka Maaliyadda XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Washington

Wasiirka Maaliyadda XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Washington

April 14, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhawaan gaaray magaalada Washington DC oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In