Sunday, March 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Maxamed Mursal “Waxaan fulin doonaa Barnaamijkeyga ka koobnaa 10-ka qodob”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Maxamed Mursal “Waxaan fulin doonaa Barnaamijkeyga ka koobnaa 10-ka qodob”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo khudbad kooban jeediyay ka dib markii uu xilkan ku guuleystay ayaa u mahad celiyay guud ahaan Xildhibaanada Golaha Shacabka intii codkooda siisay iyo kuwa aan siin, isagoo balanqaaday inuu fulin doono Barnaamij siyaasadeedkiisa ka koobnaa 10-qodob.

“Waxaan u mahad celinayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka inta codkooda isiisay iyo inta aan isiin waxaan sidoo kale u mahad celinayaa intii u tartameysay xilkan, Maalintii khamiista ee taariikhda ay ku beegneyd 26/04/2018 waxaan hortiina ka akhriyay Barnaamij Siyaasadeedkeyga oo ka koobnaa 10-qodob waxaan idin xasuusinayaa inaan fulin doono Barnaaamij siyaasadeedkeyga iyo wixii kale ee Baarlamaanka u baahdo”.ayuu yiri Mudane Maxamed Mursal

Related posts

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

March 7, 2026

Guddoomiyaha cusub ayaa sidoo kale balan qaaday inuu la tashiyo la sameyn doono Xildhibaanada Golaha Shacabka, isla markaana uu dhageysan doono aragtidooda si Golaha Shacabka uu wax badan u qabto.

“Aniga waxaan mar kasta diyaar u ahay inaan dhageysto soona dhaweeyo aragtidiina, waxaan hortiina ka balan qaadayaa inaan shacabka Soomaaliyeed ugu adeego si Danta, Dalka iyo Dadka ay ku jirto”. ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Previous Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo u hambalyeeyay Gudddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray Guddoomiyaha la doortay ee Golaha Shacabka

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka kala hadlay dar dar gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray Guddoomiyaha la doortay ee Golaha Shacabka

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

March 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kaga qayb galay, magaalada Arusha ee dalka Tanzania, Meertada 25-aad ee...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo daah-furtay Bandhigga Ganacsiga Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo daah-furtay Bandhigga Ganacsiga Haweenka

March 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa galabta magaalada Muqdisho si ramsi...

Taliyaha Ciidanka XDS iyo mas’uuliyiin kale oo dhiirigelin ugu tegay Ciidanka Gorgor

Taliyaha Ciidanka XDS iyo mas’uuliyiin kale oo dhiirigelin ugu tegay Ciidanka Gorgor

March 7, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahin Maxamed Maxamuud oo ay wehliyaan Guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In