Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Maxamed Mursal “Waxaan fulin doonaa Barnaamijkeyga ka koobnaa 10-ka qodob”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 30, 2018
in Wararka
0
Guddoomiye Maxamed Mursal “Waxaan fulin doonaa Barnaamijkeyga ka koobnaa 10-ka qodob”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo khudbad kooban jeediyay ka dib markii uu xilkan ku guuleystay ayaa u mahad celiyay guud ahaan Xildhibaanada Golaha Shacabka intii codkooda siisay iyo kuwa aan siin, isagoo balanqaaday inuu fulin doono Barnaamij siyaasadeedkiisa ka koobnaa 10-qodob.

“Waxaan u mahad celinayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka inta codkooda isiisay iyo inta aan isiin waxaan sidoo kale u mahad celinayaa intii u tartameysay xilkan, Maalintii khamiista ee taariikhda ay ku beegneyd 26/04/2018 waxaan hortiina ka akhriyay Barnaamij Siyaasadeedkeyga oo ka koobnaa 10-qodob waxaan idin xasuusinayaa inaan fulin doono Barnaaamij siyaasadeedkeyga iyo wixii kale ee Baarlamaanka u baahdo”.ayuu yiri Mudane Maxamed Mursal

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Guddoomiyaha cusub ayaa sidoo kale balan qaaday inuu la tashiyo la sameyn doono Xildhibaanada Golaha Shacabka, isla markaana uu dhageysan doono aragtidooda si Golaha Shacabka uu wax badan u qabto.

“Aniga waxaan mar kasta diyaar u ahay inaan dhageysto soona dhaweeyo aragtidiina, waxaan hortiina ka balan qaadayaa inaan shacabka Soomaaliyeed ugu adeego si Danta, Dalka iyo Dadka ay ku jirto”. ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

 

Previous Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo u hambalyeeyay Gudddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray Guddoomiyaha la doortay ee Golaha Shacabka

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka kala hadlay dar dar gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray Guddoomiyaha la doortay ee Golaha Shacabka

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In