Monday, April 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mashruuca Qolalka Shirarka Hay’adaha Dawladda oo la daah-furay “SAWIRRO”

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Mashruuca Qolalka Shirarka Hay’adaha Dawladda oo la daah-furay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

(Muqdisho, May 1, 2018) Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa si rasmi ah u furay qolka shirarka ee Aqalka Sare, kaasi oo qeyb ka ah mashruuc ballaaran oo lagu fududeynayo xiriirka hay’adaha dawladeed.

Mashruucan oo uu maal-geliyay Bankiga Adduunka waxaa lagu dhisay 37 qolal shirar oo si casri ah loo qalabeeyay, kuwaasoo min 5 laga dhisay Somaliland, Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfurgalbeed iyo Jubbaland, halka inta soo hartay laga dhisay caasimadda.

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

April 20, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

April 20, 2026

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa uga mahad celiyay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta inay Aqalka Sare u xusheen daahfurka mashruucan. Guddoomiyuhu wuxuu intaasi ku daray in qolalkan ay Aqalka Sare ka caawin doonaan sidii uu xiriir joogto ah ula yeelan lahaa goleyaasha dawlad-goboleedyada.

Isagoo ka hadlayay munaasabadda lagu daah-furayay mashruucan ayaa Wasiir Cabdi Cashuur Xasan wuxuu uga mahad celiyay Bankiga Adduunka inuu maal-geliyay mashruucan oo lagu dhisayo awoodda hay’adaha dawladeed. Wuxuu sheegay in mashruucan oo soo socday sanadihii u dambeeyay la dardar-geliyay bilihii la soo dhaafay si hay’adaha dawladeed ay uga faa’iideystaan farsamada casriga ah.

“Qolalka shirarka waxay leeyihiin faa’iidooyin badan. Waxay sare u qaadi doonaan xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha dawladeed; waxay sugayaan amniga madaxda, waxay noo baajinayaan kharashaadka safarrada, waxayna badbaadinayaan deegaanka maadaama safarkii yaraanayo,” ayuu yiri wasiirka.

“Waxaan rajeynaynaa in si wanaagsan looga faa’iideysan doono, ayna caawin doonaan dhismaha hay’adaha dawladeed.”

–DHAMMAAD–

Previous Post

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo gaaray Doolow

Next Post

Ministry of Post & Telecom inaugurates communication rooms project

Next Post
Mashruuca Qolalka Shirarka Hay’adaha Dawladda oo la daah-furay “SAWIRRO”

Ministry of Post & Telecom inaugurates communication rooms project

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

April 20, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa xarunta Wasaaradda...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

April 20, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda...

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026
0

Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Adduunka ee ka socday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa maanta lasoo gaba gabeeyey, waxaana shirkaasi Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In