Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna kusimaha Ra’iisal Wasaaraha, Mudane Mahdi Mohamed Gulleed (Khadar) ayaa shaaciyay in Xukuumaddu ay taakulaynta iyo Gurmadka Qaran ee dadka ay saameeyeen fatahaaduhu ugu deqday lacag dhan Hal-Milyan oo dollar($1,000,000).
Mudane Mahdi Mohamed Gulleed Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in shacab iyo dawladba gacmaha laysu qabsado sidii samato bixin iyo gargaar degdeg ah loola gaadhi lahaa dadka ay saameeyeen fatahaadaha webiyada iyo roobabku.
“Si aan ugu dhiirigelino shacabkeena Soomaaliyeed inay ka qayb qaataan taakulaynta dadkooda dhibaataysan, Waxaanu ka xukuumad ahaan kaga qayb qaadanaynaa Hal-Milyan oo dollar($1,000,000) oo aanu ku taageerayno dadka ay saameeyeen fatahaaduhu.” Ayuu yiri ku simaha Ra’iisalwasaaraha ahna R/W ku xigeenka dalku”.
Dhowaan ayay ahayd markii Raiisul Wasare Khayre uu Gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaaduhu u magacaabay Guddi Qaran oo ka shaqaya sidii loo samato bixin lahaa dadka ay saameeyeen fatahaaduhu,guddidaas oo uu gudoomiye u yahay R/w ku xigeenka Dalka.