Friday, September 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Dalka Koonfur Afrika

caqiil by caqiil
May 2, 2018
in Wararka
0
Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Dalka Koonfur Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Abaaro 7:00 fiidnimo ee xalay saacada Koonfur Afrika ayaa Kooxdaan burcada ah waxay weerar ku qaadeen goob ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaali ah oo ku taala deegaanka Zonkizizwe oo qiyaastii 35 km ka xigta dhinaca Koonfur magaalada Johannesburg.

Kooxda Burcada ah ayaa marka ay galeen goobta ganacsiga waxaa ay toogteen mid ka mid ah dhalinyaradii halkaasi joogay oo lagu magacaabayay Qadar Maxamed Nuur oo ku dhax jiray goobta dadka macaamiisha ah lacagaha looga qaado kadibna waxaa ay halkaasi ka qaateen lacago iyo kaararka telfoonada lagu shubto iyo sidoo kale telfoonada ay isticmaalaayeen dhalinyarada dukaankaas ka shaqeyneysay sida uu warbaahinta qaranka u sheegay Muqtaar Cabdulaahi Xasan oo dukaanka ka shaqeynayay.

Related posts

Dowladda oo boogaadisay guulaha ciidanka qaranka ay ka gaareen dagaalkii ka dhacay duleedka Ceel-dheer

September 12, 2025
Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

September 12, 2025

Ciidamada Police-ka ayaa goobta yimid saacad kadib markii ay kooxda burcada ah goobta ka baxsadeen waxaana halkaasi ay ka bilaabeen baaritaano la xariira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxda falkaan geystay,sargaalka madaxda ka ah saldhiga police-ka ee xafaadaasi oo warbaahinta qaranka ay kula hadashay goobta ayaa ka kaabsaday in uu wax faahfaahin ka bixiyo dhacdooyinka soo laab laabanaya ee ka dhaca deegaankaasi.

Inkastoo qofna aan saacadiisa la dhaafineynin hadana waa lama huraan ganacsatada in ay ka gaashaantaan falalka ugaarsiga ah oo ay sameynayaan kooxaha burcada ah.

Iidle aadan Colaad oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ganacsatada ay bilaabeen in goobahooda ganacsiga ay ku xeraan muraayadaha aan xabada Karin si loo badbaadiyo nafta dhalinyarada ka shaqeysa halkaasi.

Alle ha u naxariisto Marxuum Qadar Maxamed Nuur ayaa waxaa lagu aasaya qabuuraha muslimiinta ee magaalada Johannesburg galinka dambe ee maanta.

Previous Post

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Tamarta & Kheyraadka Biyaha oo Shir uga qeybgalaya Kuwait

Next Post

Masuuliyiin ka tirsanTaliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo lagu soo dhoweeyey Dalka Jabuuti “SAWIRRO”

Next Post
Masuuliyiin ka tirsanTaliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo lagu soo dhoweeyey Dalka Jabuuti “SAWIRRO”

Masuuliyiin ka tirsanTaliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo lagu soo dhoweeyey Dalka Jabuuti "SAWIRRO"

Dowladda oo boogaadisay guulaha ciidanka qaranka ay ka gaareen dagaalkii ka dhacay duleedka Ceel-dheer

September 12, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala ayaa maanta ka hadlay guulaha...

Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

September 12, 2025
0

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Deegaanka ayaa maaanta ka hortagay weerarro ay kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab saakay waaberigii ku...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ruushka kaga qeybgalay shir la xiriiray dhaqanka iyo diblomaasiyadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ruushka kaga qeybgalay shir la xiriiray dhaqanka iyo diblomaasiyadda

September 12, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta,  Dhaqanka Iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaiya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgaley...

Bandhig ku saabsan hal abuurka dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho

Bandhig ku saabsan hal abuurka dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho

September 12, 2025
0

Maamulka Wasaaradda Beeraha XFS ayaa Magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu soo bandhigaayey hal abuurka dhallinyarada  ee dhinaca wax soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In