Friday, September 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo xusaysa Maalinta Caalamiga ah ee Xoriyadda Saxaafadda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 2, 2018
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo xusaysa Maalinta Caalamiga ah ee Xoriyadda Saxaafadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho,: Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay xuseysaa maalinta caalamiga ah ee xoriyadda saxaafadda, iyadoo si dhab ah u muujinaysa sida ay uga go’an tahay badbaadada saxaafadda iyo xaqiijinta xoriyadda saxaafadda Soomaaliyeed.

3-da May 2018, waa maalinta Xoriyadda Saxaafadda ee Dunida oo dhan. Sanadkan waxaa cinwaanku yahay:: Hubinta Awoodda Maamulada: Warbaahinta, Cadaaladda iyo Sharciga. Dabaaldegyada sanadkan 2018, waxay diiradda saarayaan muhiimadda abuuridda jawi sharcigu ilaaliyo xoriyadda saxaafadda, iyo in si gaar ah loo tilmaamo doorka madaxa bannaan ee hey’adda sharciga si loo xaqiijiyo damaanad qaadka xoriyadda saxaafadda iyo soo oogidda dacwadaha la xiriira dambiyada lagula kaco saxafiyiinta.

Related posts

Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari oo kulan la qaatay Guddoomiyaha SoDMA

Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari oo kulan la qaatay Guddoomiyaha SoDMA

September 12, 2025

Dowladda oo boogaadisay guulaha ciidanka qaranka ay ka gaareen dagaalkii ka dhacay duleedka Ceel-dheer

September 12, 2025

Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis, ayaa sheegay in Wasaaraddu ay si hagar la’aan ah uga shaqeyn doonto xaqiijinta xoriyadda iyo badbaadada saxaafadda.

“Waxaan isbadal ku sameynay Sharciga Saxaafadda si aan u tixgalinno qodobo ay saxaafadda madaxa bannaan soo jeediyeen in laga badalo sharcigii jiray. Sharciga, ayaa hadda horyaalla baarlamaanka federaalka si loo ansixiyo kadibna madaxeynuhu u saxiixo, markaas kadib oo uu si rasmi ah sharci u noqonayo, Lana hirgalin doono. Waxay kaloo wasaaradda bishii April abuurtay nidaamka qaran ee badbaadada saxafiga, iyadoo sidoo kalena dhistay guddi qaran, oo ilaaliya badbaadada saxafiga. Hey’adaha cadaaladda, ayaa guddiga xubin ka ah si ay u taageeraan baahida sharciga ee saxaafadda Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay dastuurkeeda ku damaanad qaadday Xoriyadda Saxaafadda.” Ayuu yiri mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis.

Wasaaraddu, waxay xuseysaa maalinta Xoriyadda Saxaafadda 3-da May 2018, iyadoo si buuxda ula shaqeynaysa Ururka Qaranka ee Midowga Saxafiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) iyo warbaahinta gaarka ah ee Soomaaliya si loogu xaqiijiyo in dowladda Federaalka ay si buuxda u garab taagan tahay saxaafadda Soomaaliyeed, iyadoo damaanad qaadaysa xoriyadooda, isla markaana si hagar la’aan ah uga shaqeyn doonta ilaalinta warbaahinta Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay fulinaysaa baaqa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ah “Dowladaha Adduunku in ay xoojiyaan xoriyadda saxaafadda, ayna difaacaan saxafiyiinta. Dhiirigalinta xoriyadda saxaafadda, waxay ka dhigan tahay in aan helno xaqa aan u leenahay ogaanshaha runta.” Ayuu yiri António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Maalinta Caalamiga ah ee Xoriyadda Saxaafadda, waxaa markii ugu horeysay lagu asteeyay shirkii guud ee Qaramada Midoobay bishii Diseembar 1993, kadib markii lagu soo jeediyay shirkii guud ee UNESCO. Wixii markaa ka dambeeyay maalinta 3 May, sanadguuro kastaa, waxaa la xusaa Cahdigii Windhoek ee maalinta Xoriyadda Saxaafadda Dunida.

 

–DHAMAAD—

Previous Post

Guddoomiye Yarisow oo kormeeray xarunta Ciidanka Ilaalada Deegaanka ee Gobolka “SAWIRRO”

Next Post

Guddoonka Gobolka Banaadir oo munaasabad u sameeyey Da’yartii Xulka Qaranka ee ka qeyb galay Koobkii Bariga iyo Bartamaha Afrika

Next Post
Guddoonka Gobolka Banaadir oo munaasabad u sameeyey Da’yartii Xulka Qaranka ee ka qeyb galay Koobkii Bariga iyo Bartamaha Afrika

Guddoonka Gobolka Banaadir oo munaasabad u sameeyey Da’yartii Xulka Qaranka ee ka qeyb galay Koobkii Bariga iyo Bartamaha Afrika

Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari oo kulan la qaatay Guddoomiyaha SoDMA

Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari oo kulan la qaatay Guddoomiyaha SoDMA

September 12, 2025
0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dolwad goboleedka Waqooyi Bari, Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, ayaa duleedka magaalada Laascaanood kulan is xogwareysi ah kula yeeshay...

Dowladda oo boogaadisay guulaha ciidanka qaranka ay ka gaareen dagaalkii ka dhacay duleedka Ceel-dheer

September 12, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala ayaa maanta ka hadlay guulaha...

Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

September 12, 2025
0

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Deegaanka ayaa maaanta ka hortagay weerarro ay kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab saakay waaberigii ku...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ruushka kaga qeybgalay shir la xiriiray dhaqanka iyo diblomaasiyadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ruushka kaga qeybgalay shir la xiriiray dhaqanka iyo diblomaasiyadda

September 12, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta,  Dhaqanka Iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaiya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgaley...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In