Saturday, March 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare ku-xigeenka dalka oo booqday deegaanada Gobolka Gedo ee Fatahaadu ay saameysay+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
R/wasaare ku-xigeenka dalka oo booqday deegaanada Gobolka Gedo ee Fatahaadu ay saameysay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa shalay booqasho ku tagay gobalka Gedo gaar ahaan magaalooyinka Baar-dheere, Luuq iyo Doolow, si uu ugu kuur galo xaaladda deegaannada ay saameynta ku yeesheen fatahaaddii ka dhalatay roobabka iyo wabiyada.

Safarkiisa R/w kuxigeenka waxaa ku wehliyay Wasiirro, Xildhibaano, Culimo, Haween, Dhalinyaro, iyo guddiga Qaran ee gurmadka fatahaadaha waxa uuna ugu horeyn ka dagay magaalada Baar-dheere, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

March 6, 2026

Maamulka degmada Baardheere iyo kan gobalka ayaa ka mahad celiyay booqashada wafdiga iyaga oo uga warbixiyay xaaladda taagan, intaa kadib RW ku xigeenka ayaa kulamo la qaatay qeybaha ay bulshada, waxuuna ka mahad celiyay soo dhaweynta balaaran ee loo sameeyay wafdiga uu hogaaminayo waxa uun tagay xaafadaha ay daadku ku rogmaday si u arko saameenta ay ah shacabka Ku yeesheen fatahaada wabiga.

“Muhiimada socdaalkayagu waxuu ahaa in aan qiimayno xaaladd gobolka, si gurmad dhameestiran loo sameeyo, mar walbana waxay dawladdu diyaar u tahay in ay waxkasta ku bixiso xaaladan taagan.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku xigeenku.

Guddiga qaran ee gurmadka Fatahaada ayaa ayaa maamulka ku wareejiyay mara-kaneecooyin iyo Baco, si loo siiyo qoysaska Xaafadahoodii biyaha uga bara-kacay iyada oo R/wasaare kuxigeenku uu sheegay in Guddiga qaran ee gurmadka Fatahaada ay $100,000 oo hor-dhac ah ku wareejinayo maamulka gobalka Gedo, si ay bilow uga noqoto gurmadka.

Wafdiga ayaa intaas kadib wuxuu u gudbay Luuq iyo Doolow oo sidoo kale si heer sare ah loogu soo dhaweeyay, waxa uuna ku hor maray magaalada Luuq halkaas oo Mudane Khadar uu mara-kaneecooyin iyo Baco ku wareejiyay maamulka halkaas ka jira.

Wafdiga oo ugu dambeyn ka degay Doolow ayaa socdaal dheer ku dhex maray magaalada gudaheeda gaar ahaan xaafadaha ay fatahaaduhu saameeyeen, waxayna warbixino ka dhageesteen Wasiirada Arrimaha Gudaha Amniga ee Jubaland kuwaas oo sharaxay xaaladda halka ay taagantahay.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed in ay u gar-gaaraan walaalahooda dhibaateysan, isaga oo dhanka kale balan-qaaday in dawladdu ay garab taagantahay dadkeeda meel kasta oo ay ku suganyihiin.

Previous Post

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda XFS oo Khudbad ka jeediyay shirka 45-aad ee “OIC”+Sawirro

Next Post

Guddoomiyaha G/Benaadir oo la kulmay Danjiraha Norwey u fadhiya Soomaaliya+Sawirro

Next Post
Guddoomiyaha G/Benaadir oo la kulmay Danjiraha Norwey u fadhiya Soomaaliya+Sawirro

Guddoomiyaha G/Benaadir oo la kulmay Danjiraha Norwey u fadhiya Soomaaliya+Sawirro

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la afuray cutubyo ka tirsan  Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

March 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh ka diray geerida, Alle ha u naxariistee, Janaraal...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

March 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho Afur Sharafeed ugu...

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo booqday xerada Ciiidanka ee Qorilow

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo booqday xerada Ciiidanka ee Qorilow

March 6, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo uu wehliyay Xildhibaan Cusmaan Maxamed Maxamuud...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In