Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Eng Yariisow: Hoggaamiyihii ay u baahneed Muqdisho.!!!

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Eng Yariisow: Hoggaamiyihii ay u baahneed Muqdisho.!!!
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hogaamiyaha dhab ah waa kan leh aragti iyo furfurnaan una dabacsan bulshadiisa, sidoo kalana fahma baahiyaha ay qabaan dadka uu hoggaamiyo, lana yimaada qorshe ku dagsan howl qabad ku aadan waqtigiisa.

 

Related posts

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya inkastoo sanadihii ugu danbeeyay ay ka jireen isbadalo, hadana waxaa muuqatay inay maqanyihiin adeegyo badan oo lagama maarmaan u ah Bulshada Caasimadda kuwaas oo ay tabayeen dadka dagan magaalada.

Maamulka Gobalka Banaadir ee uu hoggaamiyo Eng. C/rixmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa ku guulaystay daadajinta maamulka, iyadoo inta badan degmooyinka Gobalka Banaadir laga hirgeliyay xarumo laga helo adeegyada uu bixiyo Gobalka Banaadir. talaabadaan ayaa waxaa soo dhoweeyay dad badan oo xiliyadii hore ay qasab ku ahayd inay tagaan xarunta dowladda hoose si ay u helaan adeegyada ay ka rabaan maamulka Gobalka Banaadir.

Gurmadka deg dega ah iyo in la helo xarumo gaar ah oo ay ku diyaarsanyihiin Dabdamisyo ayaa sidoo kale ahayd baahiyaha muddada dheer ay qabeen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda, hase ahaatee latashiyo badan oo maamulka Gobalku la sameeyay Shacabkiisa ayaa waxaa u soo baxday in lagama maarmaan ay tahay in si deg deg ah looga jawaabo baahidaas.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir Eng. C/rixmaan Cumar Cismaan “Yariisow” ayaa shalay si rasmi ah u dhagax dhigay xarunta Dabdamiska iyo Gurmadka deg dega ah ee Degmada Hodan, taas oo loogu talagalay inay si deg deg ah looga jawaabo dhib kasta oo ka dhaca ilaa Afar degmo oo kala ah, Hodan, Howlwadaag, Waabari iyo Xamar-Jajab.

“Maamulka Gobalka Banaadir waxaa ka go’an inuu noqdo maamulkii u adeegayay shacabka, dhageysanayay, tana waxay ku timid ka dib markii aan dhagaysanay shacabka baahiyahooda waxaa soo baxday in shacabka baahi wayn u qabaan Dabdamiska iyo Gurmadka deg deg ah, anagana waxaan garanay in lagama maarmaan ay tahay in adeegyadaan hoos loo daadajiyo lana geeyo xarumaha dadka u dhow, sidoo kale waxaa noo qorshaysan in adeegaan laga helo dhammaan degmooyinka Gobalka.” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobalka Banaadir.

Maamul wanaaga, isla xisaabtanka, saxida nidaamka maaliyadda, la dagaalanka musuqa, dhismaha iyo dayactirka Jidadka, ayaa sidoo kale ah tilaabooyinka muhiimka ah ee uu qaaday mudada kooban ee uu shaqaynayo maamulka Gobalka Banaadir.

Magaalada Muqdisho haatan waxaa ka jira isbadal wayn oo la taaban karo, laakiin sida dunida oo dhan leesla ogyahay, isbadal kasta oo guuleysta wuxuu ka yimaadaa Shacabka marka ay helaan hoggaan u diyaarsan howl qabad fuhan, waxaana haatan muuqata inay isla jaan qaadeen shacabka iyo hoggaanka Gobalka Banaadir.

Maxamed Kafi Sheekh Abuukar

 

Previous Post

Guddoomiye Maxamed Mursal oo maanta la caleema saarayo

Next Post

WARBIXIN:-30 ilmiriqsi oo kasta geedaa laga jaraa Soomaaliya oo dhuxul looga dhigo

Next Post
Kenya oo mamnuucday ka ganacsiga Dhuxusha

WARBIXIN:-30 ilmiriqsi oo kasta geedaa laga jaraa Soomaaliya oo dhuxul looga dhigo

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Yeman, Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed, ayaa magaalada Cadan kulan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga ee...

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

October 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan...

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In