Friday, September 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Gaas oo Daah-furey Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare Iyo Dhexe ee Puntland

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Gaas oo Daah-furey Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare Iyo Dhexe ee Puntland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta daahfuray imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada Sare iyo dhexe ee sanad dugsiyeedka 2017/2018 ee Puntland.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa dugsiga sare ee Gambool ee magaalada Garoowe ee caasidamada Dowladda Puntland uu ka furay imtixaanaadka shahaadiga ee sanad dugsiyeedka 2017-2018, iyada oo ay  ku wehelinaayeen Wasiirkiisa Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare  Abshir Aw Yuusuf Ciise iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Ka hor intaan Madaxweynaha daah furin imtixaanka shahaadiga ee sanad dugsiyeedkan ayaa waxaa uu Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta Sare Abshir Aw Yuusuf Ciise ka warbixyey imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland oo maanta uu madaxweynuhu ka daah furey magaalada Garoowe,  iyadoona wasiirku uu sheegey in ay imtixaanka maanta ufariisanayaan 15.000 (shan iyo toban kun) oo arday oo ah boqol (100) xarumood oo ku kala yaala dhammaan goblada Puntland.

“ Waan ku faraxsanahay inaan idiin imaado oo aan ajiibo martiqaadka aad iigu yeerteen in aan furo imtixaanka sanad dugsiyeedka sandkaan, waa wax wanaagsan in maanta intaas oo goobood ay ka dhacayso imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalka sideedaad iyo fasalka afraad ee dugsiga sare, waxay muujinaysaa dedaalka  ay wasaaradda iyo Dowladduba samaysay,  in waxbarashadu ay gaarto Gobol walba, Degmo iyo tuulo walba ee istaahisha in iskuul laga suubiyo waa guul usoo hoyatey Puntland iyo Soomaaliyaba“Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyn Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu furey imtixaanka shahaadiga ah ee sanad Dugsi yeedka 2017/2018, isla’marahaantaana waxaa uu madaxweynuhu gacantiisa ugu qaybiya ardayda maadadii maanta ay imtixaankeeda geleyeen oo ahayd maadada Tarbiyada Islaamka.

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo Magacaabey Wasiir iyo Wasiir Ku Xigeen

Next Post

Wasiir Arrimaha Dibadda Turkiga oo sheegay in Soomaaliya lagu hayo cadaadis ka dhashay mowqifkii ay ka istaagtay khilaafka dalalka Khaliijka

Next Post
Wasiir Arrimaha Dibadda Turkiga oo sheegay in Soomaaliya lagu hayo cadaadis ka dhashay mowqifkii ay ka istaagtay khilaafka dalalka Khaliijka

Wasiir Arrimaha Dibadda Turkiga oo sheegay in Soomaaliya lagu hayo cadaadis ka dhashay mowqifkii ay ka istaagtay khilaafka dalalka Khaliijka

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In