Xulka qaranka kubadda Gacanta Soomaaliya 20-jirada iyo 18-jirada ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aaden Cadde iyagoo kusii jeeda dalka Uganda oo ay uga qayb gali doonaan ciyaaraha kubadda Gacanta Wadamada bariga iyo bartmaha Afrika (Africa Zone 5 International Handball Federation (IHF) Challenge Trophy 2018.
Xulka Somalia qaybta 20-jirada waxaa ku wehliya Wadamada Kenya, Burundi, Uganda, Sudan, Tanzania , Ethiopia iyo Rwanda Halka Da’yarta ay kasoo ka qayb galayaan dalalka, Somalia, Ethiopia, Kenya, Tanzania, Uganda , Sudan iyo Burundi.
Xulka 20-jirada waxaa Group- B kula jira Wadamada Burundi, Uganda iyo Rwanda, waxayna kulanka koowaad 14 May la ciyaari doonaan dalka Burundi.
Xulka 18-jirada Soomaaliya ayaa dhankooda waxay isku Group yihiin dalalka Kenya, Ethiopia iyo Tanzania, waxayna kulankooda koowaad la ciyaari doonaan wadanka Kenya waxuuna dhici dici doona isla 14-ka May.
Tartankan oo ay wadamada soonka Shannaad ( Zone 5 ) ee geeska Afrika ku loolamayaan waxuu wadankii ku guulaysta kulan fiinaal ah la qaadan doonaa dalkii soo hantiya koobka wadamada Maqribka, waxaana dalkii adkaada uu ka qayb gali doona ciyaaraha kubadda Gacanta Adduunka.
Ciyaartoyda Xulka qaranka ayaa diyaar garow ku jiray saddaxdii bil ee lasoo dhaafay, waxaana gacan taageero buuxdo oo dhanka kasta ka caawina yay Bankiga Premier Bank oo ah Bangi markasta ka qayb qaata horumarinta isboortiga dalka.