Saturday, October 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faah faahin ka soo baxaysa qaraxyo is xig xiga oo ka dhacay Dalka Indonesia

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Faah faahin ka soo baxaysa qaraxyo is xig xiga oo ka dhacay Dalka Indonesia
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaraxyadan oo is xig xigay ayaa ka dhacay Dalka Indonesia ayaa geystay qasaare xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac,iyadoo laamaha ammaanka dalkaasi ay la hadleen tirade ku waxyeelowday weeraradaasi.

Wakaaladda Wararka Reuters oo soo xiganaysa laamaha ammaanka dalkaasi ayaa soo warisay in ilaa 9 qof ay ku dhinteen 40 kalena ay ku dhaawacmeen ilaa sedex qarax oo naftii halignimo ah oo ka dhacay kaniisado kuyaala magaalada Surabaya oo ah magaalada 2-aad e ugu weyn dalkaasi.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta magacaabay agaasimeyaal guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta magacaabay agaasimeyaal guud

October 18, 2025
Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay heshiis is-waydaarsiga ganacsiga labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay heshiis is-waydaarsiga ganacsiga labada dal

October 18, 2025

Saraakiisha Booliska dalkaasi ayaa sheegay in qaraxyadaasi ay dheceen muddo 10 daqiiqo gudohooda,waxaana lala beegsaday 3 Kaniisadood oo kuyaala magaalada Surbaya oo kutaala Jasiiradda Java ee dhinaca bari ee Dalkaasi indonesiya.

Waxaa laga cabsi qabaa in qasaaraha uu intaasi ka sii bato,iyadoo laamaha ammaankuna ay ka dhigayaa suuro galnimada in tirade ay kororto,sababo laxiriira awooda qaraxyadaasi iyo goobaha lala beegsaday oo mashquul xoogan uu ka jirey.

Muuqalo uu baahiyay Televeshinka Qaranka Dalkaasi Indonesia ayaa muujinaya dad badan oo isugu soo xuumay goobta qaraxyadu ay ka dheceen,iyadoo laga cabsi qabo in qarax kale uu yaalo Kaniisad Afaraad oo halkaasi kutaala,sidaasina waxaa warbaahinta u sheegay saraakiil ka tirsan sirdoonka dalkaasi.

Wadanka Indonesiya oo ah wadanka ugu badan oo ay ku noolyihiin Muslimiinta adduunka ayaa waxaa uu la dagaalamaya ka hortaga weerarada argagixisanimo,wixii ka dambeeyey weerarkii 202 qof lagu dilay oo ka dhacay Jasiiradda Bali ee Dalka Indonesia oo kuyaala Koonfur Bari Qaaradda Aisa sanadka markuu ahaa 2002.

Previous Post

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo saaka la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho Axad 13-5-2018

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho Axad  13-5-2018

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho Axad 13-5-2018

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta magacaabay agaasimeyaal guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta magacaabay agaasimeyaal guud

October 18, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Maareeyaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Amniga...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay heshiis is-waydaarsiga ganacsiga labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay heshiis is-waydaarsiga ganacsiga labada dal

October 18, 2025
0

RADIO MUQDISHO(ISTANBUL):-Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha XFS Mudane Maxamuud Axmed Aadan iyo Wasiirka Ganacsiga ee Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Talyaaniga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Talyaaniga

October 18, 2025
0

RADIO MUQDISHO(ROME):-Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Talyaaniga, ayaa magaalada Rome kula...

Hay’adda NIRA oo ku dhawaaqday muddada khidmad-dhaafka ee kaadhka aqoonsiga Qaranka

Hay’adda NIRA oo ku dhawaaqday muddada khidmad-dhaafka ee kaadhka aqoonsiga Qaranka

October 18, 2025
0

Hay'adda Is-diiwaangelinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka Ee NIRA,ayaa shaacisay muddada kama dambeysta ah ee ay ku eg tahay, adeegga khidmad-dhaafka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In