Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan u diray Muslimiinta oo dhan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Madaxweynaha, ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in la iscafiyo, la isku naxariisto oo la is caawiyo, islamarkaana kuwa wax haysta ay afuriyaan kuwa kale ee aan waxbo haysan.