Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tirada sanadkan u fadhiisaneysa Imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda oo la shaaciyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 16, 2018
in Wararka
0
Tirada sanadkan u fadhiisaneysa Imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda oo la shaaciyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa ka warbixiyay Tirada Ardayda u fariisaneysa Imtixaanka Qaran ee Shahaadiga Dugsiga sare, isagoo xusay in Wasaaradda Waxbarashada ay diyaaar garow xoogan ku jirto.

“Wasaaradda Waxbarshada iyo Hidaha Tacliinta sare waxay ku jirtaa Diyaargarow aad u weyn oo lagu doonayo ka mira dhalinta howlaha Imtixaan, Sida aan hore u shaacinay bishan May ee aan ku jirno 19-keeda, waxaa dhamaan ardeyda dhameysaneysa Waxbarshada dugsiga sare ee sanad dugsiyeedka 2017/18 ay u fariisan doonaan Imtixaanka Shahaadiga”.ayuu yiri Wasiirka.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Mudane Cabdiraxmaan Daahir ayaa sheegay in 27,600 (todobo iyo labaatan kun, iyo lix boqol) oo arday ay sanad dugsiyeedkan u fariisaneyso Imtixaanka, iyadoona lagu kala gali doono in ka badan 120 Xarumood oo ka tirsan Gobalka Benaadir iyo Afar Maamul Gobaleed oo kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Jubbland.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in 1,400 (Kun iyo afar boqol) oo arday oo la qorsheynayay inay Imtixaanka Qaran ku galaan Beledweyne uu dib ugu dhacay Fatahaada Wabiga Shabeelle awgiis, isagoo shaaciyay inay dib ka gali doonaan.

“Waxaa iyana xusid mudan in Fatahaada Wabiga Shabeelle dartiis uu dib u dhacay 1400 oo arday oo sanadkaan Imtixaanka dugsiga sare ku gali laheyd Magaalada Beledweyne, waxaan ardaydaa u balanqaadeynaa inuusan dib u dhacaasi saameyn ku yeelan doonin natiijadooda iyo deeqihii waxbarasho ee ay heli lahaayeen hadii ay xaalada caadi kusoo laabatana ay Imtixaankooda gali doonaan”.ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed iyo Waalidiinta meel kasta ay joogaan inay ka qeybqaataan hab sami u socodka iyo fududeynta hawshan Qaran, wuxuuna ugu baaqay Ardayda Imtixaanka galeysa inay la shaqeeyaan oo ay u dhaga nuglaadaan ilaalada iyo kormeerayaasha Imtixaanka iyo sidoo kale ay garabsiiyaan Ciidamada Qalabka sida ee ku howlan ilaalinta Amniga iyo sugida Goobaha lagu galayo Imtixaanka.

Sanadkan waa sanadkii ugu horeeyay ee Imtixaan Qaran lagu diyaariyo Dalka gudahiisa muddo 27-sano ka dib waana guul usoo hoyatay umadda Soomaaliyeed,  Lacagta ku baxeysa Imtixaanka waa markii ugu horeysay oo 27-sano ka dib laga bixiyay Bajadka Dowlada sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo soo gabaga-beeyay booqashadii rasmiga ahayd ee uu joogay Dalka Qadar

Next Post

Madaxweynaha JFS oo Hambalyo ku aadan dhalashada Bisha barakeysan ee Ramadaan u diray Shacabka Soomaaliyeed

Next Post
Madaxweynaha JFS oo Hambalyo ku aadan dhalashada Bisha barakeysan ee Ramadaan u diray Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo Hambalyo ku aadan dhalashada Bisha barakeysan ee Ramadaan u diray Shacabka Soomaaliyeed

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In