Tuesday, August 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobalka Banaadir Oo Wali Ku Howlan Nadiifinta Wadooyinkii Biyaha ay Fariisteen + Sawiro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 21, 2018
in Wararka
0
Maamulka Gobalka Banaadir Oo Wali Ku Howlan Nadiifinta Wadooyinkii Biyaha ay Fariisteen + Sawiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magalada Muqdisho ayaa laba iyo tobankii Saacadood ee la soo dhaafay waxaa ka Socday roobab lixaad leh oo geystay dhimasho dhaawac iyo qasaare hantiyeed saacadihii la soo dhaafay, ayadoo taasi ay sii dheertahay wadooyinka qaarkood oo ay biyo fariisteen.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

August 25, 2025

Maamulka Gobolka Banaadir oo had iyo jeer ka warqaba baahida bulshada Gobalka Banaadir ayaa u istaagay in uu wax ka qabto arrintaasi.

Booyado waa weyn oo loogu tala galay in ay qaadan biyaha fariistay wadooyinka qaar ayaa lagu  arkayay qaar ka mid ah wadooyinka Magalada Muqdisho ayadoo ay ku guuleysteen Maamulka Gobalka Banaadir in ay nadiifiyaan wadooyinka qaar oo hada ku soo laabtay sidii caadiga ahayd.

Agaasimaha Howlaha Guud ee Maamulka Gobalka Banaadir Cabdi Fitaax Cumar Xalane oo ku sugnaa goobaha biyaha ay fariisteen ayaa bogaadiyay Shaqada Maamulka Gobolka Banaadir uu u haayo Umada Soomaaliyeed ayadoo Wadoyinka qaarkood ay noqdeen kuwa aanan la mari Karin isku socodka bulshada Saameyn weyn ku yeeshay,

“Galabta markii meelaha qaar aan ka bilownay shaqada waxay ahayd meelo aanan la mari Karin balse haatan wadooyin badan oo uu xiray roobkii ka socday Magalada Muqdisho Waxaan ku guuleysanay in aan Furno Wadooyinkaasi” ayuu yiri Cabdi Fitaax Cumar Xalane Agaasimaha Howlaha Guud ee Maamulka G/Banaadir oo dhowaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow uu u doortay Agaasimaha Howlaha Guud ee Maamulka G/Banaadir kaasi uu u arkay Gudoomiye Yariisow shaqsi shaqo badan oo ka soo bixi kara howlaha uu Gobalka Banaadir uu idmaday.

Hada oo ay Sacadu tahay labadii habeenimo oo daqiiqado dhiman ayuu agasimaha iyo Xubno kale oo ka socda Maamulka Gobalka Banaadir waxaa ay ku sugan yahiin goobaha ay wali ka socdaan howlaha nadiifinta wadooyinka biyaha ay fariisteen.

 

Previous Post

DAAWO: Tartamayaasha Degmada Shibis oo caawa si fudud ugu soo gudbay wareegga 2aad ee tartanka

Next Post

Ururka Iskaashatooyinka Beeraleyda qaranka oo doortay guddoomiye cusub

Next Post
Ururka Iskaashatooyinka  Beeraleyda qaranka oo doortay guddoomiye cusub

Ururka Iskaashatooyinka Beeraleyda qaranka oo doortay guddoomiye cusub

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb gali...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

August 25, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda kulan kula qaatay Masuuliyiin...

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

August 25, 2025
0

Iyadoo la tixgelinayo muhiimadda midnimada Qaran, xasilloonida siyaasadeed iyo dowlad-wanaagga loo dhan yahay, isla markaana mudnaanta la siinayo geedisocodka dowlad-dhiska...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

August 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta SoDMA, lacag dhan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In