Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaalida Minnesota oo ka banaan baxay Muuqaal Tv-ga dalkaasi tabiyey

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Soomaalida Minnesota oo ka banaan baxay Muuqaal Tv-ga dalkaasi tabiyey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Soomaalida Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee Aqalka looga arimiyo Gobolka iyagoo halkaas Shir Saxaafadeed & banaanbax ay uga soo horjeedaan Muuqaal dhawaan ay shaacisay warbaahinta laga leeyahay dalka ee lagu magacaabo FoxNews qaybteeda MN iyo walibe hindise sharciyeed lagu xakameenayo ganacsatada Soomaaliyeed in ay lacago u diraan qoysaskooda, iyagoo sheegay in ay ka xumaadeen been abuur TV-gaasi ka sheegay qaabka ay u shaqeeyaan Xawilaadaha Soomaalida.

Warbaahintaaas lagu magaacabo FOX news ayaa dhawaanku eedaysay Soomaalida Minnesota inay xadaan lacagaha dowladdu ay ku taageerto Xarumaha Caruurta lagu hayo ee ay leeyhiin Soomaalidu,

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

Boqolaal kun oo lacag ahna ay u diraan kooxo argagaxiso ah Xawilaaduhuna lacagtaas oo cadaan ah ay dalka ka saaraan.

Dadkii dibadbaxaayey ayaa arimahaas ku tilmaamay kuwo aan waxba ka jirin, waxayna wateen boorar ay ku qornaayeen  sida ay uga xun yihiin, waxayna ku sheegeen in arimahaas ay asal ahaan tahay Muslim nacaybka lagu hayo dadka ku nool Maraykanka ee Muslimiinta ah.

Madaxda banaanbaxayaasha soo qabanqaabiyey kulankaan oo la hadlaayey dadwaynahaa ayaa u sheegay in weerarka Idaacada Ama TV -ga FOX 9 ay gadaal ka xiirayaan siyaasiyiin ka tirsan xisbiga jamhuuriga , waxayna qaarkood sheegayeen in dadka Soomaalida ah toos loo soo abaarayo oo la doonayo in magacooda lagu xumeeyo waa siday hadalka u dhigayeene.

Dibadbaxayaashani waxay ay isku dayeen inay la kulmaan Gudoomiyaha gobolka Minnesota Mark Dayton lakiin uma ay suuroobin waxaa loo sheegay inuu safar ku maqan yahay intaa kadib waxaa la kulantay haweenay ka mida la taliyaashiisa una sheegtay in aysan arag wax sharci hindiseed ah oo ku saabsan arimaha ay ka cabanayaan.

Abdihakim Abdi ismail.

Minnesta Maretkanka.

Previous Post

Tababar lagu baranayo Dawlada wanaaga & Xalinta Qilaafaadka oo u furmay Ururka dhalinyarada

Next Post

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo maanta la wareegtay Maamulka Maaliyadda ee Wasaaradda Waxbarashada

Next Post
Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo maanta la wareegtay Maamulka Maaliyadda ee Wasaaradda Waxbarashada

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo maanta la wareegtay Maamulka Maaliyadda ee Wasaaradda Waxbarashada

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In