Tuesday, July 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beesha caalamka oo ku baaqday in la joojiyo colaadda Tukaraq

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Beesha caalamka oo ku baaqday in la joojiyo colaadda Tukaraq
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Beesha caalamka iyo Dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladaha dagaal ee ka aloosan degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, iyagoo ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo Gacan ka hadalka.

War ay si wada jir ah usoo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dowladaha Belgium, Denmark,  Itoobia, Finland, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa lagu cambaareeyay dagaalka, iyagoo ku baaqay inay nabadda ilaaliyaan Labada dhinac.

Related posts

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

July 21, 2026

War murtiyeedkan ayaa sidoo kale lagu faray Labada dhinac ee Soomaaliland iyo Puntland inay billaabaan wada hadal dhex-mara taliyeyaasha ciidamada goobta ku sugan, ayna ka wada hadlaan sidii loo kala qaadi lahaa Ciidamada iyo isweydaarisga maxaabiista la kala qabsaday.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale walaac ka muujisay Dadkii ka bara kacay dagaallada, waxayna ku baaqeen in la sameeyo jawi gargaar lagu gaarsiin karo Dadka ka qaxay iyo kuwa ku dhibaataysan aagga lagu dagaallamayo.

Beesha caalamku iyo saaxiibbada Soomaaliya ayaa ku tilmaamay dhacdadani inay kusoo beegantay xilli ay jiraan xaalado Bini’aaddannimo, gaar ahaan wakhti ay Dhulkaasi ka taagan yihiin dhibaatadii ay geysteen Duufaanno, Roobab iyo Daadad xooggan oo ay waxyeello badani ka dhalatay.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo Afur sharafeed u sameeyey Safiirrada dalalka Islaamka

Next Post

Milliteriga Nijeria oo lagu eedeeyay Kufsi

Next Post
Milliteriga Nijeria oo lagu eedeeyay Kufsi

Milliteriga Nijeria oo lagu eedeeyay Kufsi

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Ciidamada dab-damiska iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ee Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab xooggan oo maanta ka...

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

July 21, 2026
0

Masuuliyiin ka socday wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho uga qaybgalay tababar ku saabsan dhisidda adkeysiga dhaqaale...

Dab xooggan oo saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha

Dab xooggan oo saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Dab xooggan ayaa saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo ololka uu saameeyay goobo ganacsi oo ku...

Soomaaliya oo u diyaar-garoobaysa booqashada Madaxweynaha FIFA ee Muqdisho

Soomaaliya oo u diyaar-garoobaysa booqashada Madaxweynaha FIFA ee Muqdisho

July 21, 2026
0

Wada-shaqeynta dhow ee u dhexeysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaamiyo Wasiir Maxamed Cabduqaadir Cali,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In