Munaasabadda xilwareejinta ah oo ka dhacday Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ahna kusimaha Ra’iisul wasaaraha, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, hantidhowraha guud ee qaranka iyo mas’uuliyiin kale.
Wasiirkii hore ee wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Soomaaliya mudane Saalim Caliyow Ibrow, oo ka hadlayay munaasabada xil wareejinta ayaa sheegay in mudadii sanadka iyo dheeraadka aheyd ee uu wasaaradda madaxda ka ahaa guul badan ay gaareen, isagoo sheegay in ay ku dadaaleen sidii wasaaraddu saldhig u yeelan laheyd taasna meel wanaagsan ay mareyso.
C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen wasiirka cusub ee wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya, ayaa balan qaaday in shaqada wasaaradda la dardargelinayo.
Ku simaha Ra’iisul wasaaraha dalka ahna ku xigeenka Ra’iisul wasaaraha mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, oo xil wareejinta ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradda ay ka shaqeyso labo qeybood oo muhiim u ah nolashada bulshada isla markaana ka xukuumad ahaan ay fududeyn doonaan sidii shaqadaas looga miro dhalin lahaa.
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa sidoo kale ka hadlay dhibaatada fatahaadaha iyo duufaanada dalka qeybo kamid ah ka dhacaya kuwaas oo dad badan ku naf waayeen isla markaana hanti badan ku burburtay.