Wednesday, June 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha G/Banaadir oo dhagax-dhigay dhismaha Jidka Degmada Dharkiinley

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha G/Banaadir oo dhagax-dhigay dhismaha Jidka Degmada Dharkiinley
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo dhagax-dhigay wadada Jaalle Siyaad ee dhex marta Degmooyinka Dharkiinley iyo Wadajir ayaa boggaadiyey isku-tashiga bulshada deegaanku ay ku dhisayaan jidadka Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka hor dhagax-dhigga kulan la qaatay odayaasha iyo waxgaradka Degmada Dharkiinley, waxayna isla garteen muhiimadda ay leedahay dhismaha wadadan muhiimka ah, iyadoo la isku raacay in wadajir loogu istaago dhismaheeda, maadaama ay kaalin muhiim ah ka qaadaneyso isku-socodka dadweynaha iyo gaadiidka.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in wadadani lagu hirgelin doono isku tashiga Maamulka Gobolka iyo shacabkiisaa, isla markaana ay wax wayn ka tari doonto horumarka iyo bilicda Caasimadda oo billooyinkii u danbeeyey dib u soo kabanaysay.

“Dhismaha Jidkan halbowlaha ah ee isku xiraya degmooyinka Dharkiinley iyo Wadajir, wuxuu ku yimid iskutashiga iyo aragtida dadka deegaanku ay ku doonayaan in horumarka degmooyinkooda ay u istaagaan. Waxaan u mahadcelinayaa cid walba oo dhismaha wadadan ka qeyb qaata, ka maamul ahaana waxaa naga go’an dhismaha waddooyinka Caasimadda”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa dhagax-dhigga ku weheliyey Wasiirro, Xildhibaanno, masuuliyiin heer gobol iyo Heer degmo, odayaasha dhaqanka iyo ganacsatada deegaanka.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Moussa Faki Mahamat+Sawirro

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare..AKHRISO

Next Post
Daawo Muuqaalka Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Qadar.

Madaxweyne Farmaajo oo xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare..AKHRISO

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

June 2, 2026
0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu furay tababar lagu xoojinayo fahamkooda ku aaddan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

June 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In