Thursday, May 19, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha G/Banaadir oo dhagax-dhigay dhismaha Jidka Degmada Dharkiinley

May 27, 2018
in Wararka
0
Guddoomiyaha G/Banaadir oo dhagax-dhigay dhismaha Jidka Degmada Dharkiinley
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

May 18, 2022
Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

May 18, 2022

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo dhagax-dhigay wadada Jaalle Siyaad ee dhex marta Degmooyinka Dharkiinley iyo Wadajir ayaa boggaadiyey isku-tashiga bulshada deegaanku ay ku dhisayaan jidadka Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka hor dhagax-dhigga kulan la qaatay odayaasha iyo waxgaradka Degmada Dharkiinley, waxayna isla garteen muhiimadda ay leedahay dhismaha wadadan muhiimka ah, iyadoo la isku raacay in wadajir loogu istaago dhismaheeda, maadaama ay kaalin muhiim ah ka qaadaneyso isku-socodka dadweynaha iyo gaadiidka.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in wadadani lagu hirgelin doono isku tashiga Maamulka Gobolka iyo shacabkiisaa, isla markaana ay wax wayn ka tari doonto horumarka iyo bilicda Caasimadda oo billooyinkii u danbeeyey dib u soo kabanaysay.

“Dhismaha Jidkan halbowlaha ah ee isku xiraya degmooyinka Dharkiinley iyo Wadajir, wuxuu ku yimid iskutashiga iyo aragtida dadka deegaanku ay ku doonayaan in horumarka degmooyinkooda ay u istaagaan. Waxaan u mahadcelinayaa cid walba oo dhismaha wadadan ka qeyb qaata, ka maamul ahaana waxaa naga go’an dhismaha waddooyinka Caasimadda”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa dhagax-dhigga ku weheliyey Wasiirro, Xildhibaanno, masuuliyiin heer gobol iyo Heer degmo, odayaasha dhaqanka iyo ganacsatada deegaanka.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Moussa Faki Mahamat+Sawirro

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare..AKHRISO

Next Post
Daawo Muuqaalka Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Qadar.

Madaxweyne Farmaajo oo xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare..AKHRISO

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

May 18, 2022
0

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Masar ee Soomaaliya Mudane Maxamed...

Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

May 18, 2022
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa booqday hoyga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Axmed Madoobe

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Axmed Madoobe

May 18, 2022
0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam. Masuuliyiinta ayaa...

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Safiiradda dalalka Uganda iyo Itoobiya ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Safiiradda dalalka Uganda iyo Itoobiya ee Soomaaliya

May 18, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay Safiirka dowladda Uganda ee Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In