Sunday, September 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Deyniile oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 31, 2018
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Deyniile oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii afar iyo tobnaad oo ah wareegga koowaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Deyniile Vs Baydhabo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Baay., waxaana barnaamijka sanadkii shanaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Related posts

GUDDOOMIYAHA SoDMA OO DAAHFURAY DHISMAHA XARUNTA BAKHAARKA KAYDINTA GARGAARKA EE DG WAQOOYI BARI

GUDDOOMIYAHA SoDMA OO DAAHFURAY DHISMAHA XARUNTA BAKHAARKA KAYDINTA GARGAARKA EE DG WAQOOYI BARI

September 13, 2025
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY XARUNTA CUSUB EE TALISKA SAHANKA IYO SIRDOONKA CXDS

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY XARUNTA CUSUB EE TALISKA SAHANKA IYO SIRDOONKA CXDS

September 13, 2025

Tartameyaasha labada degmo ee Shingaani Vs Wadajir ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Deyniile

Tartameyaasha Degmada Deyniile ee gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen saddex su’aal, waxaana ay iska qaldeen afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareeer martay tartamayaasha Degmada Baydhabo, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Deyniile ay heleen waxay noqotay lix (6) dhibcood.

Baydhabo

Tartamayaasha Degmada Baydhabo ee gobolka Baay waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen saddex su’aal, iyagoo iska qaldeen afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal suaal oo soo hareer martay Deyniile, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Baydhabo waxay noqotay lix (6) dhibcood.

Tartamaasha labada degmo ayaa isku mari waayay su’aalihii ay ku tartamayeen, waxaana ay la yimaadeen min lix dhibcood dood dheer kaddib tartamayasha Degmada Baydhabo ayaa jebiyay xeerka tartanka u degsan, maadaama ay dood ka keenen su’aal ka faa’iideysi ahayd balse markii laga qanciyay ay ku qanci waayeen.

Guddoomiyaha Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka Maxamed Abuukar Axmed Ma’da oo ka hadlay tartanka ayaa sheegay in maadaama waqti dheeri ah loo baahday la isku dayay in la qanciyo tartamayaasha degmada Baydhabo, maadaama ay si qalad ah uga jawaabeen su’aashii ka faa’iideysiga ahayd, isla markaana ay ku xadgudbeen sharciga tartanka u yaalo ee dhanka anshaxa.

“Waxaan caddeynayaa markii aan kulan dheer ah qaadanay, oo tartamayaasha Degmada Baydhabo aan ku qancin waynay inay tartamayaan, maadaama tartanku uu ahaa mid bar baro ah, guddiga waxa uu go’aamiyay in dhibcihii tartanka lagu wareejiyay Tartamayaasha Degmada Deyniile” ayuu yiri Guddoomiyaha guddiga tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.

Guddiga waxaa kaloo uu sheegay in jadwalka tartanka wax laga badalay, kaasi oo laga dhigay 9:30 pm halka markii hore uu ahaa 10:00 pm.

Tartamayaasha Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka shan iyo tobnaad ee tartanka, isla markaana noqoneysa habeenka ugu dambeeya ee wareegga koowaad, waxaa foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Kismaayo Vs Dhuusamareeb oo ka kala tirsan Gobollada Jubada Hoose iyo Galgaduud.

 

Sawir Qaade:- Qadar Cali Nuur

 

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo wada hadallo la yeeshay Madaxweyne Kenyatta “SAWIRRO”

Next Post

Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Guddoomiyaha G/banaadir oo caawa kormeeray qaar kamid ah Xarumaha Ciidanka “Sawirro”

Next Post
Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Guddoomiyaha G/banaadir oo caawa kormeeray qaar kamid ah Xarumaha Ciidanka “Sawirro”

Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Guddoomiyaha G/banaadir oo caawa kormeeray qaar kamid ah Xarumaha Ciidanka “Sawirro”

GUDDOOMIYAHA SoDMA OO DAAHFURAY DHISMAHA XARUNTA BAKHAARKA KAYDINTA GARGAARKA EE DG WAQOOYI BARI

GUDDOOMIYAHA SoDMA OO DAAHFURAY DHISMAHA XARUNTA BAKHAARKA KAYDINTA GARGAARKA EE DG WAQOOYI BARI

September 13, 2025
0

RADIO MUQDISH: Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray dhismaha...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY XARUNTA CUSUB EE TALISKA SAHANKA IYO SIRDOONKA CXDS

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY XARUNTA CUSUB EE TALISKA SAHANKA IYO SIRDOONKA CXDS

September 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuray Xarunta cusub ee Taliska Sahanka iyo Sirdoonka...

Guddoonka Baarlamaanka oo shaaciyay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee BJFS

Guddoonka Baarlamaanka oo shaaciyay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee BJFS

September 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan la yeeshay Madaxa EUCAP ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan la yeeshay Madaxa EUCAP ee Soomaaliya

September 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa EUCAP Soomaaliya Kęstutis Lančinskas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In