Thursday, August 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Danjiraha Dawladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Andreas von UexküII, waxana ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada uu dalkiisu siiyo Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yarisow ayaa boggaadiyay kaalinta dawladda Sweden kaga aaddan taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha shaqo abuurka. waxaana uu sheegay in xiriirka labada dal ee xoogan uu horseeday mashaariic iyo kaalmo dhinacyo kala duwan oo mar walba Sweden ay siiso bulshada Soomaaliyeed.

Related posts

Akhriso Bayaanka Shirweynaha 1-aad ee Dekedaha Soomaaliya

Akhriso Bayaanka Shirweynaha 1-aad ee Dekedaha Soomaaliya

August 5, 2026
Aqoon-is-weydaarsiga hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha oo la soo gabagabeeyay

Aqoon-is-weydaarsiga hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha oo la soo gabagabeeyay

August 5, 2026

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa tilmaamay arrimaha sida gaarka ah diiradda loogu saaray kulanka inay kamid tahay horumarinta Caasimadda iyo in dhalinyarada loo helo fursado shaqo, sidoo kale waxaa la isla soo qaaday in la sii xoojiyo kaalmada ay Sweden siiso Gobolka Banaadir.

Labada mas’uul waxay mar kale xaqiijiyeen wada-shaqeynta xoogga leh ee ka dhexeysa Safaaradda Sweden iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo inay ka go’an tahay inay si intaa ka dhow u wada shaqeeyaan.

Previous Post

Wasiirka cusub ee Warfaafinta oo kormeeray Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo maanta la kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo maanta la kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo maanta la kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub

Akhriso Bayaanka Shirweynaha 1-aad ee Dekedaha Soomaaliya

Akhriso Bayaanka Shirweynaha 1-aad ee Dekedaha Soomaaliya

August 5, 2026
0

Bayaanka Shirweynaha 1-aad ee Dekedaha Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyey. Akhriso bayaanka 

Aqoon-is-weydaarsiga hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha oo la soo gabagabeeyay

Aqoon-is-weydaarsiga hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha oo la soo gabagabeeyay

August 5, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku soo gabagabeysay aqoon-is-weydaarsi socday muddo saddex maalmood ah, kaas oo looga...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliyeed oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliyeed oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

August 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda JFS Mudane Jibriil Cabdirashiid ayaa magaalada Muqdisho ku soo xiray Shirweynaha 1-aad ee Badaha...

Maamulka Koonfur Galbeed iyo Madaxda IOM oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac

Maamulka Koonfur Galbeed iyo Madaxda IOM oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac

August 5, 2026
0

Wefdi ka socda Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta, isla markaana ay wehliyeen Wasiirrada Haweenka, Deegaanka &...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In