Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo  u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo  u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulanka labaatanaad oo ah wareegga labaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Xamar weyne Vs Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose, waxaana barnaamijka sanadkii shanaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Related posts

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

December 23, 2025
Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

December 23, 2025

Tartameyaasha labada degmo ee Xamar weyne Vs Kismaayo ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Xamar weyne

Tartameyaasha Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, waxaana ay iska qaldeen shan su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xamar weyne ay heleen waxay noqotay afar (4) dhibcood.

Kismaayo

Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen afar  su’aal, iyagoo iska qalday saddex su’aal, mana jirin wax su’aal oo oo heleen, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kismaayo waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka, halka tartamayaasha Degamda Xamar weyne ay isaga hartay tartanka.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka kow iyo labaatanaad ee tartanka, waxaa foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Boosaaso Vs Deyniile oo ka kala tirsan Gobollada Bari iyo Banaadir, waana habeenka ugu dambeysay wareegga labaad ee tartanka.

Sida uu qabo sharciga tartanka oo sanadkan lagu soo kordhiyay marka ay labada degmo mid soo baxdo, waxa ay guddiga bilaabi doonaan qori tuur loo sameynayo sideedda degmo ee u soo gudubta wareegga afar dhamaadka ee tartanka.

 

Sawir Qaade:- Qadar Cali Nuur

Previous Post

Tabarka Tababarayaasha Waxbarashada Madaniga ee arrimaha Dastuurka oo lagu soo gabagabeeyay Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post

AKHRISO:- WAR-MURTIYEEDKA SHIRKA GOLAHA AMNIGA QARANKA EE BAYDHABO

Next Post
AKHRISO:- WAR-MURTIYEEDKA SHIRKA GOLAHA AMNIGA QARANKA EE BAYDHABO

AKHRISO:- WAR-MURTIYEEDKA SHIRKA GOLAHA AMNIGA QARANKA EE BAYDHABO

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

December 23, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiista ee XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa galabta tababar u soo xiray in ka badan...

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

December 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenkii hore ee dalka Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025
0

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah yeeshay ayaa ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

December 23, 2025
0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayey kuwa Sirdoonka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheeysan oo lagu naafeynayey khawaariijta ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In