Sunday, August 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwada Koowaad ee dalka oo maal gelisay Barnaamij indha fiiqid loogu sameynayo dad danyar ah “SAWIRRO”

admin by admin
June 14, 2018
in Wararka
0
Marwada Koowaad ee dalka oo maal gelisay Barnaamij indha fiiqid loogu sameynayo dad danyar ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marwada Koowaad ee Dalka Maamo Seynab Cabdi Macallin ayaa maal-gelisay barnaamij indha fiiqis loogu sameynayo boqolaal ka mid ah dadka araga waxyeellada ka qaba.

Wajiga koowaad ee barnaamijkan ayaa waxaa ka faa’iideystay 50 qof oo kunool magaalada Muqdisho, iyadoona la qorsheynayo in laga hirgeliyo meelo kala duwan oo ka mid ah dalka si tirada ugu badan ee dadka danyarta ah ay uga faaiideystaan.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

August 24, 2025
Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

August 24, 2025

Xasan Macalin Xasan Culusow oo 15 sano ka hor aabihii uu aragga ka naafoobay ayaa ka mid ahaa dadkii lagu guuleystay in qalliin lagu sameeyo, dibna uu Alle ugu soo celeyey araggiisa.

“Aabaheey Macalin Xasan Culusow waxa uu ishaan la’aa muddo 15 sano ah, maantana waxbuu ka arkaa, dadku in wax loo qabto waa ay jecel yihiin, Maamo Seynab iyo maamulka cisbitaalka waa u mahacelineynaa” ayuu yiri Xasan isagoo la hadlaaya Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed SONNA.

Sidoo kale Dr Maxamed Amiin Cumar oo hoggaaminayay dhaqaatiirka qaliinka indha fiiqista ah sameeyay ayaa sheegay in dadka indhaha ay u fiiqeen ay yihiin wajigii koowaad, isaga oo tilmaamay in maalmaha soo socda ay qaliimo u fulin doonaan qaar kale oo ka mid ah dadkan.

Maalinta talaadada ah ee soo socota ayaa waxaa bilaaban doona wajiga labaad ee barnaamijkan indha fiiqidda loogu sameynayo dadka danyarta ah.

 

Previous Post

Duqa Muqdisho oo amray in la banneeyo Garoonkii Jeenyo & goobaha danta guud “SAWIRRO”

Next Post

Akhriso: Ra’iisul wasaare Kheyre oo magacaabay guddiga Qaran ee qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda

Next Post
Akhriso: Ra’iisul wasaare Kheyre oo magacaabay guddiga Qaran ee qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda

Akhriso: Ra’iisul wasaare Kheyre oo magacaabay guddiga Qaran ee qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

August 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta SoDMA, lacag dhan...

Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

August 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta u ambabaxay dalka Shiinaha, halkaas oo...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KULAN LA QAATAY ERGAYGA GAARKA AH EE XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KULAN LA QAATAY ERGAYGA GAARKA AH EE XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY

August 24, 2025
0

RADIO MUQDISH: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay konteenarro maandooriye ah

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay konteenarro maandooriye ah

August 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Dekadda Muqdisho ku sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In