Thursday, July 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo iyo raiisul Wasaaraha Itoobiya oo ku heshiyay qodobo muhiim ah

admin by admin
June 16, 2018
in Wararka
0
Sawirro:- Soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Arday booqasho ku tegtay beero ku yaala xarunta Wasaaradda Beeraha

Arday booqasho ku tegtay beero ku yaala xarunta Wasaaradda Beeraha

July 16, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

July 16, 2025

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay raiisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo wafddi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Kulan muddo saacado ah qaatay oo ay yeesheen mas’uuliyiint alabada dhinac ayaa waxay si weyn uga hadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxyaabaha kulankooda diiradda lagu saaray ayna ku heshiyeen ayaa ah ilaa 16 qodob waxaana kamid ah iskaashiga Ammaanka,dhaqaalaha,ladagalanka argagixisada,isdhexgalka bulshada,iyadoo madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in ay ka go’antahy labada dal in ay si dhab ah isaga kaashadaan nabadda iyo horumarka.

“Anigoo ku hadlaya magaca shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda,waxaan kugu soo dhaweynaya Soomaaliya,Soomaaliya iyo Itoobiya,waxay wadagana taariikh,dhaqan,booqashadaada maanta waxay xoojinaysa xiriirka naga dhexeeya,majiraan wax kala qeybin kale walaaltinimada labada dal,waa waajib ina saran in aan xaqiijinayo nabadda iyo horumarka labada dal,iyadoo loo marayo kobada dhaqaale iskaashi bulsho,waxaan doonayaa in aan halkani ugu mahadceliyo ciidamada militariga ee dalkaaga sida ay naftooda inoogu hureen in ay Soomaaliya ka caawiyaan ka hortaga cadowga Alshabaab oo dhibaato ku haya Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka”.

“Waxaan doonayaa in aan halkani ka sheego in aan ku faraxsanahay siada diiran oo aad inoo soo dhaweyseen,waxaan idinkaga mahadcelinayaa waxkasto oo aad sameyseen,waxaan halkani u joogaa in aan abuurno weji cusub,xiriir cusub,hadii aan dib ugu laabto taariikhda,waa in aan cashir ka baranaa dhibaatooyinkii kaladuwanaa ee na haysata sida argagixisada iyo xagjirnimada,hadafkena waa in gobolka xasilooni lagu soo dabaalo,waxaan aaminsanahay in Soomaaliya ay horumarayso,waa dadka si aad ah isugu dhow waa hal diin,hal dhaqan iyo isku dhiig marka loo fiiriyo adduunka intiisa kale waa wadanka kaliya sidaasi ay dadkiisu yihiin,Itoobiya iyo Soomaaliya garabka ayay is qabsanayaan labada dal”. Ayuu yiri Abiy Axmed.

Booqashada uu maanta Soomaaliya ku yimid raiisul wasaaraha Dalka Itoobiya ayaa muujinaysa dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xoojinta xiriirka dhinaca diblomaasiyadda eek ala dhexeeya dowladaha caalamka.

Qodobada oo gaaraya ilaa 16 qodob mar dhow kala soco 

Previous Post

TOOS DAAWO Shirka Jara’id ee Madaxweynaha Soomaaliya iyo R/wasaaraha Itoobiya

Next Post

Joint communique issued after bilateral talks between president Farmaajo and Ithiobia PM Abiy Ahmed

Next Post
Joint communique issued after bilateral talks between president Farmaajo and Ithiobia PM Abiy Ahmed

Joint communique issued after bilateral talks between president Farmaajo and Ithiobia PM Abiy Ahmed

Arday booqasho ku tegtay beero ku yaala xarunta Wasaaradda Beeraha

Arday booqasho ku tegtay beero ku yaala xarunta Wasaaradda Beeraha

July 16, 2025
0

Ku dhawaad 50 arday oo ka qaybgalaya Barnaamijka Tababarka Internet of Things (IoT) ee Beerashada Casriga ah ayaa booqasho waxbarasho...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

July 16, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku soo dhaweeyay Danjire Charles Nicholas King,...

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo QM oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo Nidaamka Isbadalka Digital-ka Soomaaliya

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo QM oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo Nidaamka Isbadalka Digital-ka Soomaaliya

July 16, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macallim (Soomaali), iyo Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), ayaa maanta si...

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xilliga dalka laga bilaabi doono qodista ceelasha shidaalka Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xilliga dalka laga bilaabi doono qodista ceelasha shidaalka Soomaaliya

July 16, 2025
0

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqaynayso sidii loo qodi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In