Waxay ahayd booqasho gaaban balse xambaarsan guulo wax ku ool ah, waxaana madaxda labada wadan ay fureen baal cusub, marka la eego miisaanka qodobada heshiiska ay wada galeen ee ku aadan, amniga, dhaqaalaha iyo siyaasabada, kuwaa oo dhamaanba taabanaya masiirka iyo danaha labada shacab.
Ethiopia waa dal dadkiisku ka badanyihiin 92-Milyan oo aan lahayn Dekado wax uga soo dagaan, taasnia waxay timid markii ay Eretria kala go’een 1993-dii.
Cabshuur badan ayay ku bixsaa Dekadaha dalalka dariska la ah ee ay wax uga soo dagaan, ama ay ka dhoofiso wax soo saarkeeda uu ugu horeeya bunka ay caanka ku tahay iyo badeecadaha kale, iyadoo ay u sii dheertahay masaafada fog ee dekadaha.
95% waxay isticmaashaa Dekadda Jabuti, balse laguma sii tiirsanaan karo hal il oo kaliya, taas ayaana qodobka ugu wayn heshiiska Soomaaliya iyo Ethiopia ka dhigtay in la maalgaliyo 4-Dekadood oo Soomaaliya ku yaala.
Soomaaliya oo ah dal gees ilaa ka gees ay bada ku teedsan, islamarkaana samaynaya soo kabasho amni iyo mid dhaqaale waxaa ka furan fursado maalgashi oo isha lagu wada hayo, balse hadda Ethiopia ayaa ku dhiiraneysa inay ka faa’iidaysato.
Ethiopia waxay heshiiska LAPSET kula jirtaa Kenya, kaas oo ah mid baaxad wayn oo Dekadda Lamu ku xiraya gudaha Ethiopia, iyadoo la isticmaalayo Khad Tareen.
Sidoo kale Sudan ayay la dhisaysaa Dekad cusub oo ay Ethiopia saami ku yeelanayso, balse Dekadaha Soomaaliya waxay noqon karaan dariiq ka dhaw.
Fulinta qodobada heshiiskan oo ah halka isha lagu wada hayo waxaa loo saaray gudi isku dhaf ah oo heer wasiir ah, taas oo micneheedu tahay ka go’naashaha labada wadan gaaritaanka mustaqbal wanaagsan iyo iskaashi.
Ka hor Muqdisho, Ra’iisal wasaaraha Ethiopia waxa uu horay socdaalo ugu tagay dalalka Jabuti, Kenya, Uganda, Sudan, Masar iyo Sucuudiga, si uu isbadal ugu sameeyo siyaasadda arrimaha dibadda, si la mid ah gudaha oo isbadallo ka hirgaliyey.
W/Q: Maxamuud Cabdi Diirshe