Thursday, July 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Itoobiya oo mar kale Gogol nabadeed u fidisay Dowladda iyo mucaaradka koofurta Suudaan

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Itoobiya oo mar kale Gogol nabadeed u fidisay Dowladda iyo mucaaradka koofurta Suudaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

-Madaxweynaha Koofurta Suudaan,Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Dalkaasi , Riek Machar , ayaa Maanta oo Arbaca ah gaaray Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Dalka Itoobiya.

Socdaalka Labada Nin ayaa yimi markii uu Gogol nabadeed u fidiyay Ra’iisul wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed Cali, si loo soo gabagabeeyo colaad sokeeye oo tan iyo Sanaddii 2013-kii ka aloosnayd Koofurta Suudaan, taasoo galaafatay nolosha Tobanaan Kun oo Qof.

Related posts

𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ¬π’π’π«π«πšππš 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐒𝐱𝐒𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐑𝐒𝐬𝐚𝐦𝐚𝐑𝐚 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π’πšπ«πž 𝐞𝐞 π€ππžπžπ π πš π†πšπ«π¬π¨π¨π«π€πš

𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ¬π’π’π«π«πšππš 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐒𝐱𝐒𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐑𝐒𝐬𝐚𝐦𝐚𝐑𝐚 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π’πšπ«πž 𝐞𝐞 π€ππžπžπ π πš π†πšπ«π¬π¨π¨π«π€πš

July 23, 2026
Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

July 23, 2026

Meles Alem, oo ah Afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Itoobiya ayaa sheegay in uu hoggaamiyaha mucaaradka Koofur Suudaan, Riek Machar la kulmi doono Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali, ka hor intuusan furmin wada xaajoodka uu la geli doono Madaxweyne Salva Kiir.

Riek Machar, oo tan iyo 2016-kii Xabsi Guri ku ahaa Dalka Koofur Afrika markii uu kasoo baxsaday Dalkiisa ayaa wuxuu haatan diyaar u yahay in lasoo afjaro colaad sokeeye oo Shantii Sana ee ugu dambaysay ka taagnayd Koofurta Suudaan, sida uu sheegay Afhayeenkiisa oo lagu Magacaabo Lam Paul Gabriel.

August 17, 2015 Β ayay ahayd markii uu bur-buray heshiis ay Labada dhinac ku yeesheen Magaalada Addis Ababa, kaasoo sababay Gacan ka hadal dhaliyay dagaallo lagu riiqmay oo saamayn ba’anna ku yeeshay Dadka Shacabka.

Isha/ The Star

Previous Post

Madaxweynaha JFS “Heshiis kasta aan galnay wuxuu ku salaysnaa soo celinta magaca Dalka” Dhageyso

Next Post

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay muhiimmadda ay leedahay dejinta siyaasadda, daryeelka barakacayaasha iyo Qaxootiga

Next Post
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay muhiimmadda ay leedahay dejinta siyaasadda, daryeelka barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay muhiimmadda ay leedahay dejinta siyaasadda, daryeelka barakacayaasha iyo Qaxootiga

𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ¬π’π’π«π«πšππš 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐒𝐱𝐒𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐑𝐒𝐬𝐚𝐦𝐚𝐑𝐚 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π’πšπ«πž 𝐞𝐞 π€ππžπžπ π πš π†πšπ«π¬π¨π¨π«π€πš

𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ¬π’π’π«π«πšππš 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐒𝐱𝐒𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐑𝐒𝐬𝐚𝐦𝐚𝐑𝐚 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π’πšπ«πž 𝐞𝐞 π€ππžπžπ π πš π†πšπ«π¬π¨π¨π«π€πš

July 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

July 23, 2026
0

Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya lagu soo gebagebeeyay shirkii ugu horreeyay ee heer gobol ee Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga...

Soomaaliya iyo Kuuriyada koofureed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Kuuriyada koofureed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

July 23, 2026
0

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Taliska Ciidanka XDS oo faahfaahin ka bixiyay howlgalkii ka dhacay deegaanka Teedaan

July 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa 21-kii bishan fuliyay howlgal duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In