Friday, August 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Magaalada Addis Ababa

admin by admin
June 21, 2018
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Magaalada Addis Ababa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya, si uu ugu qayb galo shirka deg-degga ah ee Urur Goboleedka IGAD, kulankaas oo looga hadli doona xaaladda koofurta Suudaan.

Waxaa sidoo kale Magaalada Addis Ababa ku sugan madaxda Dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD, wakiillo ka socda midowga Afrika , QM, Madaxweynaha Dalka Koofurta Suudaan Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar , si loo xalliyo dagaallada sokeeye ee tan iyo 2013-kii ka aloosan Dalka koofurta Suudaan.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyey kulan bile ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyey kulan bile ah

July 31, 2025
Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya oo la soo dhaweeyay

Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya oo la soo dhaweeyay

July 31, 2025

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelinaya shirkan ayaa hor dhigi doona Madaxda dalalka IGAD, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan in la xoojiyo nabad galyada Gobolka, lana soo afjaro dhammaan colaadaha sokeeyo, iyadoona loo marayo is-qancin, isu-tanaasul iyo wada xaajood, si looga gudbo caqabadaha dib-u-dhigay horumarka Qaaradda Afrika.

Shirka looga hadlayo xaaladda Suudaanta koofureed ayaa lagu wadaa inuu gelinka dambe ee Maanta furmo, iyadoo ay waddamada ku bahoobay IGAD ka go’an tahay inay Labada dhinac ku dirqiyaan xal waara oo laga gaara colaadda daba dheeraatay ee ka taagan Suudaanta koofureed.

Previous Post

Haweeneey ku eedeeysnayd Al-Shabaab oo isu dhiibtay Boliiska Kenya

Next Post

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir oo ka hadla xasilinta dalka iyo dowladaha hoose

Next Post
Dhegeyso Barnaamijka Wadajir oo ka hadla xasilinta dalka iyo dowladaha hoose

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir oo ka hadla xasilinta dalka iyo dowladaha hoose

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyey kulan bile ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyey kulan bile ah

July 31, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Guutaale, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka billaha ah ee Xoghayaasha Joogtada ah...

Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya oo la soo dhaweeyay

Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya oo la soo dhaweeyay

July 31, 2025
0

Dr Maxamuud Mashruuc Wasiiru-dowlohii hore Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Bogaadin iyo Hambalyo u Diray...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirada

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirada

July 31, 2025
0

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Masiibooyinka ee Soomaaliya (SoDMA) mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa soo dhaweeyay go'aanka ay golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya...

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Central Africa Republic

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Central Africa Republic

July 31, 2025
0

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa maanta ka qeyb-galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In