Golaha dhalinyarada dowlad goboleedka Jubbaland oo ay ku mideysan yihiin dhalinyarada ku dhaqan degaanada Maamulkaasi, ayaa bilaabay Olole lagu dhiiragalinayo ciidamada Xoogga dalka ee dagaalka kula jira Nabadiidka Al-shabaab.
Dhalinyaradaan Soomaaliyeed, ayaa gaaray deegaanada baarsanguni ,kaban Araare iyo maano muufo halkaasi oo dhawaan laga xoreeyay nabadiidka Al-shabaab, waxayna ciidamada u geeyeen Raashin bisil.
Qaar ka mid ah dhalinyarada Raashinka u geeyay ciidamada, ayaa ugu mahad celiyay Ciidanka xoogga dalka sida u wadaan howlgalada dalka looga xoreynayo nabadiidka Al-shabaab, waxaana ay tilmaameen in hiil ay la garab taagan yihiin geesiyaasha Qaranka.
Abaandullaha qeybta 43Aad ee Ciidanka xoogga dalka G/dhaxe Cabdi ibraahim, ayaa dhalinyarada Jubbaland uga mahad celiyey dhalinyaradaasi sida ay u garab istaagan yihiin ciidamada qalabka sida iyo sida ay uga qeyb qaadanayaan howlgalada ka dhanka ah Argagixisada Al-shabaab.
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Maamulka Jubbaland ,ayaa howlgalo ka dhan ah nabadiidka Al-shabaab ka wada degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Jubbooyinka.