Friday, June 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan Rwanda 

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan Rwanda 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

June 3, 2026
Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda kulan casho ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Edouard Ngirente iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

Kulanka labada Ra’iisul Wasaare waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Masuuliyiin ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaare Khayre iyo wasiiru dawlaha arrimmaha dibadda, wasiirka caddaaladda ee Rwanda, Lt. Gen Jacques Musemakweli iyo masuulyiin kale oo reer Rwanda ah.

Labada Ra’iisul Wasaare iyo masuuliyiinta kale ee kulanka ku wehliyay ayaa ka wada hadlay arrimaha garsoorka iyo Cadaaladda, dhaqaalaha, adkeynta xariirka labada dawladood iyo ammaanka qaaradda Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa uga mahad celiyay dhiggiisa Rwanda casuummaadda ay u fidiyeen iyo soo dhaweynta Ballaaran, waxa uuna sidoo kale sheegay in uu rajeynayo in Soomaaliya ay Rwanda uga dayato horumaka ay sameysay iyo sida ay uga gudubtay burburkii iyo colaadihii sokeeye ee dhibaatada badan gaarsiiyay dalkaas.

Ra’iisul Wasaare Edouard Ngirente ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka muuqda ee Soomaaliya ay ku tillaabsatay wixii ka dambeeyay doorashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale maalinta berri ah la kulmaya madaxweynaha Rwanda ahna Gudoomiyaha Midawga Afrika,, Paul Kagame.

Previous Post

Madaxweynaha Farmaajo oo Hambalyo u diray Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan

Next Post

Shirkii looga hadlayay arimaha Beeraha oo ku soo xirmay Columbus

Next Post
Shirkii looga hadlayay arimaha Beeraha oo ku soo xirmay Columbus

Shirkii looga hadlayay arimaha Beeraha oo ku soo xirmay Columbus

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

June 3, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo ka kala dhacay deegaannada Masaajid...

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

June 2, 2026
0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu furay tababar lagu xoojinayo fahamkooda ku aaddan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In